Putland:- Puntland oo sheegtay in ay laheyd qeyb ka mid ah lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde.

0
Tuesday April 17, 2018 - 08:38:52 in by salman abdi
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Putland:- Puntland oo sheegtay in ay laheyd qeyb ka mid ah lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde.

    Putland:- Puntland oo sheegtay in ay laheyd qeyb ka mid ah lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Putland:- Puntland oo sheegtay in ay laheyd qeyb ka mid ah lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in lacagtii todobaadkii hore dowlada Soomaaliya ay ku qabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho qeyb ka mid ah Imaaraadku ugu talagaleen ciidamada ku sugan deegaannada Puntland oo ay tababaraan.

‘’Haa lacagtaa $3 Milyan iyo 600 oo Kun oo ka mid ah Puntland ayaa qeyb ahaan laheyd sida uu inoo sheegay safiirka, waayo Puntland waxaa ku sugan Kumannaan ciidamo ah oo ay tababaraan Imaaaraadka, lacagtaana waxaa loogu talagalay mishaarka iyo saadka ciidamada’’ ayuu yiri Cabdwali Maxamed Cali Gaas oo u waramay VOA.

Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay in ay Puntland isaga baxeen tababarayaashii Imaaaraadka isaga oo sheegay in ay dhamaanba saraakiishii tababarayaasha Iskutaga Imaaaraadka Carabta joogaan deegaannada Puntland.

‘’Dowladda Imaaaraadka waxaa ay inoo sheegeen in aysan bixin oo ay wali ku sii sugnaan doonaan Puntland, runtiina waxaa ay Puntland ka hayaan howlo aad u muhiim u ah, waxaa ay la dagaalamaan Jiriifka, waxaa ay la dagaalamaan Tahriibka, waxaa ay la dagaalamaan Al-shabaab iyo ISIS marka culeyska ay hayaan waad garan gartaan, haddii ay baxaan waxaa dhacaya waxa aad u xun’’ ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Wuxuu sheegay in wali ay Puntland ka socdaan howlihii ay shacabka iyo maamulkaba u hayeen dowlada Imaaraadka oo ay ugu horeyso tababarida iyo maamulista ciidamo uu sheegey in ay ka howlagalaan deegaanada xeebta.

‘’Wax faa’iido ah uma laha dowladda Soomaaliya bixitaan Imaaraadka waayo culeys weyn ayeey arintaa nagu keeni doontaa, Imaaraadku waxaa ay inoo tababaraan ciidamada oo ay mishaarkooda bixiyaan, waxaa ay gudaha ka fuliyaan mashaariic kala duwan oo ku kacaya Malaayiin dollar oo dhamaantood faa’iido u leh Soomaaliya’’ ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadallo la sheegay in ay bilaawdeen labada dowladood, isaga oo intaa ku daray in Puntland rajeyneyso in la dhameeyo khilaafka iyo xasarada taagan.