Maraykanka:-Donald Trump Iyo Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Buhari Oo Kulmi Doona

0
Tuesday April 17, 2018 - 10:17:29 in by salman abdi
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka:-Donald Trump Iyo Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Buhari Oo Kulmi Doona

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ku kulmi doona 30 bishan Abriil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ku kulmi doona 30 bishan Abriil.



Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay isla soo qaadi doonaan hormarinta kobaca dhaqaalaha, ladagaalanka argagixisada iyo sidii Nigeria ay door hogaamineed ugu yeelan lahayd dimuqraadiyadda gobolka.

Shaacinta arrintan ayaa horseeday in saxaafadda Nigeria ay falanqayso ahmiyadda uu kulankaasi leeyahay.

Wargayska Vanguard ayaa dadka xasuusiyay eedayntii sheegaysay in madaxweyne Trump uu afxumo u gaystay dalalka Afrikaanka ah iyada oo xafiiskiisa Oval Offic lagu lafogurayo arrimaha soo galootiga bishii Janaayo.

Lamase filayo in madaxweyne Buhari uu arrintaas la soo qaado Trump.

Dhanka kalana wargeyska Premium Times ayaa ku warramay in kulankani uu dib u xaqiijinayo booska istaraatiijiga ah ee Nigeria ka haysato qaaradda. Madaxweyne Trump ayaana wacay madaxweyne Buhari sidaadii loo caleemo saaray ka hor intii uusan soo wicin madaxweyne kale oo Afrikaan ah.

Wargayska ayaa intaas ku daray in caanimada Nijeria ay muujinayso booqashadii uu dalkaas ku tagay wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maraykanka Rex Tillerson.