Maraykan:-Toddobo Maxbuus Oo Lagu Dilay Xabsi Ku Yaalla Waddanka Maraykanka

0
Tuesday April 17, 2018 - 10:19:50 in by salman abdi
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykan:-Toddobo Maxbuus Oo Lagu Dilay Xabsi Ku Yaalla Waddanka Maraykanka

    Toddobo maxbuus ayaa lagu dilay ugu yaraan 17 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii ay rabshado ka dhaceen xabsi ku yaalla gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka, sida ay masuuliyiin sheegeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toddobo maxbuus ayaa lagu dilay ugu yaraan 17 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii ay rabshado ka dhaceen xabsi ku yaalla gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka, sida ay masuuliyiin sheegeen.



Rabshadaha ayaa billawday Axaddii waxaana la soo afjaray saacadihii hore ee Isniinta.

"Arrintani waxay ku saabsanayd aagagga ay maxaabiistu ku kala xirin yihiin iyo waxyaabo sharcidarro ah oo ay ku dhex iibinayeen, sida ay sheegeen masuuliin korka kala socota xaallada maxaabiista.

Dhimashada waxaa keenay toori la isla dhacay. Dhammaan waardiyeyaashii iyo shaqaalihii kale ee sharci fulinta ayaa la sheegay in ay nabad qabaan.

"Dadkan waxay isku hayeen lacag iyo xuduud iyaga oo xabsi ku jira” ayuu yiri Bryan Stirling oo madax u ah waaxda dusha kala socota xaaladda maxaabiista South Carolina.

Muran iyo buuq siddeed saacadood qaatay ayaana sababay in 17 ruux oo dhaawac ah xabsiga laga saaro si isbitaallada loogu soo daweeyo, toddobo kale ayaana dhimatay, sida ay waaxdaasi xaqiijisay.