Nuxurka Warabixin Xiiso Badan oo Wargeyska Caanka Ah Ee Washington Post Ka Qoray Somaliland

0
Tuesday April 17, 2018 - 11:37:23 in by salman abdi
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Warabixin Xiiso Badan oo Wargeyska Caanka Ah Ee Washington Post Ka Qoray Somaliland

    Wargeyska caanka ah ee Washington Post oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa warbixin uu daabacay waxa uu ku sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay hadda uun cagta saartay dhabbihii ictiraafka iyo madax-bannaanideeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska caanka ah ee Washington Post oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa warbixin uu daabacay waxa uu ku sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay hadda uun cagta saartay dhabbihii ictiraafka iyo madax-bannaanideeda.


Wargeyska Washington Post, ayaa Khamiistii todobaadkan faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiska laba geesoodka ah ee ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, ee ku salaysan casriyaynta ay Shirkadda DP World ku samaynayso dekeda Berbera iyo saldhiga Milatari ee Imaaraadku ka dhisanayo Berbera. Tallaabadaas oo ay warbixintu ku tilmaantay dariiqii ay Somaliland ku heli lahayd Ictiraafka iyo madaxbannaanideeda.

Dhinaca kale, Warbixinta ayaa xustay in uu sii xumaanayo xidhiidhkii siyaasadeed ee Imaaraadka Carabta iyo dawladda Muqdisho, isla markaana ay guud ahaan ba joogsatay kaalmadii dhaqaale ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu siinjirtay ciidamada Soomaaliya, "Xidhiidhkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo dalka Imaaradka Carabta ayaa sii xumaanaya, waxaana joogsaday kaalmadii dhaqaale ee dawladda Imaaraadku siin jirtay Ciidamada Soomaaliya, kadib markii sannadkii la soo dhaafay ay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Saliida qaniga ku ah ee Imaaraadka Carabtu ay bilawday hawlaha casriyaynta iyo gacan ku haynta dekeda Berbera.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale marti-qaad rasmi ah u fidiyay saraakiisha sar sare ee ciidamada Somaliland, si uu ugala xaajoodo dhismaha saldhiga Milatari ee ay Imaaraadka Carabtu doonayaan in ay ka hirgeliyaan Berbera, taas oo ka dhigan in Jamhmuuriyadda Somaliland ay hadda uun cagta saartay dhabaha ictiraafka iyo madax-bannaanideeda.”

Warbixintan lagu daabacay Wargeyska Washington Post, waxay intaasi raacisay in uu sii xumaanayo xidhiidhkii u dhexeeyay dawladda Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya, kaas oo wakhtigan maraya halkii ugu xumayd, "Xidhiidhkii u dhexeeyay dalka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya ayaa maraya halkii ugu xumayd, kadib qabsashada lacag malaayiin dollar ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, lacagtaas oo ay lahady dawladda Imaaraadka Carabtu, arrintaasi ayaa sababtay in ay joogsato kaalmadii dhaqaale ee Imaaraadku siin jiray ciidamada Soomaaliya. Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaaraysay falkan oo ay dawladda Muqdisho ku qabsatay 9.6 Milyan dollar, waxaanay ku tilmaantay qayrul sharci ay ku kacday dawladda Soomaaliya.”

Warbixintu waxa ay intaasi ku dartay "Sida ay ku warantay walaalada wararka ee Imaaraadka Carabta (Wam News Agency) 47 ka mid ah ciidamada Imaaraadka Carabta iyo diyaaradda siday lacagta, waxa gaadh ka qabtay cutubyo ka tirsan ciidamada nabad sugida Soomaaliya, lacagtaas oo loo waday in lagu caawiyo tababarada ay dawladda Imaaraadku siiso ciidamada Soomaaliya.”

"Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn sharciyada caalamiga ah, isla markaana ay mugdi gelinayso dhismaha nabadgelyada Soomaaliya,” ayay tidhi warbixntan lagu daabacay wargeyska Washington Post, oo soo xiganaysay wakaaladda wararka ee dalka Imaaraadka Carabta (Wam News Agency.”