Deg Deg: Boqor Buurmadow oo faro Ciddidood kaga badbaaday Ciidamo isku dayey inay xidhaan isago ka so Degay Madaarka Cigaal

0
Tuesday April 17, 2018 - 11:42:45 in by salman abdi
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg: Boqor Buurmadow oo faro Ciddidood kaga badbaaday Ciidamo isku dayey inay xidhaan isago ka so Degay Madaarka Cigaal

    Xukuumada somaliland ayaa ku guul daraystay isku day xadhig ah oo ay doonaysay inay ku xidho boqor Buurmadow oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland kasoo dhowaan ka qaybgalay caleemasaar ka dhacayey Bosaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada somaliland ayaa ku guul daraystay isku day xadhig ah oo ay doonaysay inay ku xidho boqor Buurmadow oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland kasoo dhowaan ka qaybgalay caleemasaar ka dhacayey Bosaso.


Taliyaha ciidanka dambi baadhista somaliland ayey wararku sheegeen inuu boqor Buurmadow ugu tagay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka dib markii uu boqorku ka soo laabtay magaalada Boosaaso, kaas oo uu ka codsadaySida ay Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, xukuumada ayaa ciidan boolis ah oo u xil saaran inay xabsiga dhigaan boqor Buurmadow u dirtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo uu galabta ka soo dagayey boqorku.


inuu raaco ciidanka balse boqorka aya ganafka ku dhuftay dalabka uga yimid taliyaha ciidanka dambi baadhista.

 

Boqor Buurmadow ayey wararku sheegeen inuu si adag uga hor yimid taliyaha ciidanka dambi baadhista oo ka dalbanayey inuu raaco iyada oo ay dibada madaarkana ku sugnaayeen ciidamo boolis ah oo loo qorsheeyey inay qabtaan Boqorka.

Dhinaca kale shabakada Hadhwanaagnews oo khadka telefanka kula xidhiidhay boqor Buurmadow isla markaana waydiisay isku dayga ay xukuumadu doonaysay inay ku xidho ayaa sheegay inaanu diyaar u ahayn wakhtigan inuu ka jawaabo, balse uu faah faahin doono sidii ay wax u dhaceen.

Boqor Buurmadow ayey wararku xaqiijiyeen inuu hada ku sugan yahay gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa.



Xigasho Hadhwanaag