Hargeisa:- Madaxweynaha Somaliland Oo Seefta Laka Kala Baxay Iyo Wasiirro Ay Seeftu La Tagayso +Masuuliyiin Wadnaha Farta Ku Haya.

0
Thursday April 19, 2018 - 14:21:32 in by salman abdi
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Madaxweynaha Somaliland Oo Seefta Laka Kala Baxay Iyo Wasiirro Ay Seeftu La Tagayso +Masuuliyiin Wadnaha Farta Ku Haya.

    Hargeisa:- Madaxweynaha Somaliland Oo Seefta Laka Kala Baxay Iyo Wasiirro Ay Seeftu La Tagayso +Masuuliyiin Wadnaha Farta Ku Haya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Madaxweynaha Somaliland Oo Seefta Laka Kala Baxay Iyo Wasiirro Ay Seeftu La Tagayso +Masuuliyiin Wadnaha Farta Ku Haya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la wariyey in uu diyaariyey isku shaan dhayn ballaadhan

oo ku samaynayo golaha xukuumaddiisa kuwaas oo ku samaynayo masuuliyiin ay qabatay diiradda madaxweynuhu, ilo looga qaateena oo diiradda ku haya dhaq-dhaqaaqa madaxweynaha ayaa tibaaxay in ay miiska madaxweynaha saran tahay digreeto galaafan doonta wasiirro xukuumaddiisa ah iyo taliyayaal ciidan oo madaxweynuhu saluug ka muujiyey, kuwaas oo macasalaamayn doona tareenka xukuumadda ee Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Xogaha wargeysku helay ayaa sheegaya in masuuliyiinta qaar la qaniinay habka ay u wadaan shaqada oo ay saluugeen gacan yara ayaal awood ku leh talada madaxtooyada oo ka biyo diidey awaamiir dhitaysan oo ay fareen wasiiro xukuumadda ah kuwaas oo gunti giijis ka galay talada loo soo dhiibay oo ay u arkeen inaaney munaasib ahayn luuqada laaxiyada ay weedhaha u dhigeen, masuuliyinta qaar ayaa ilahani tibaaxeen inay ka muuqan waayeen wax qabadkii 120-ka cisho masuuliyiintaas oo la sheegay inaaney keenin muuqaalo cajab galiya madaxweynaha oo lagu fasirayo inay waxqabteen muddadii loo cayimay balse noqdey kuwo la siman qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda oo madaxtooyadu awood gooniya u yedhisay.


Isku shaan dhayntan ayaa lagu macneeyey inay tahay mid ay sabab u noqdeen fashilka ku yimi waxqabadkii boqol iyo labaatanka cisho oo xukuumaddu ku soo bandhigtay qaab indho sar caada oo aan la ahayn wax arag iyo taabasho ah oo aan cun tamin kuwaas oo la sheegay in madaxweynuhu tirroba daawadey laba jeer oo ku soo cel-ceshtay kana waayey wax wanaagsan oo faan u noqda mudada uu joogay.


Masuuliyiintan diiradda madaxtooyadu qabatay ee la wariyey in miishaarta madaxweynuhu afaystay sahayan dooonto ayaa la sheegay inay ka mid yihiin wasiirka cadaaladda, wasiirka maaliyadda, wasiirka warfaafinta, wasiirka gaashaan dhiga, taliyaha ciidanka asluubta, taliayaha ciidanka qaranka, isku shaandhayntan ayaa ah tii ugu horeysay ee madaxweynuhu soo saaro waxayna noqotay mid la cun tan tahay in wasiirro iyo masuuliyiin xukuumaddiisa ka tirsani aaney ka samata bixin Karin hilaada qorshihiisi ahaa inuu keeno xukuumad kooban oo tayeysan balse ay u bateen layliyo masraxa siyaasada ku cusub oo ku bar-bartay xukuumaddiisa taasina aaney dhaafin Karin xaaladaha ku soo wajahan iyo dabaylaha mucaaradeed ee kaga soo socda xisbiyada qaranka oo warmaha u afaystay sidii ay birta uga asli lahaayeen xukuumadda madaxweyne biixi maadaama masuuliyiinta uu cugtay aaney ahayn kuwo xamil u leh inay iska caabiyaan oo balaaqadadooda siyaasiga ahi aaney ahayn mid doobta siyaasiyiinta mucaaradka xejin karta.

Xigasho:Werkayska SAHAN