Hargaysa:-Wargeyska Caanka Ah Oo Baahiyey Qorshe Ruushku Saldhig Kaga Samaysanayo Somaliland Iyo Wadda Hadal U Socda Labada Dhinac.

0
Friday April 20, 2018 - 10:22:13 in by salman abdi
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Wargeyska Caanka Ah Oo Baahiyey Qorshe Ruushku Saldhig Kaga Samaysanayo Somaliland Iyo Wadda Hadal U Socda Labada Dhinac.

    Wargeyska Caanka Ah Oo Baahiyey Qorshe Ruushku Saldhig Kaga Samaysanayo Somaliland Iyo Wadda Hadal U Socda Labada Dhinac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska Caanka Ah Oo Baahiyey Qorshe Ruushku Saldhig Kaga Samaysanayo Somaliland Iyo Wadda Hadal U Socda Labada Dhinac.

Sida uu baahiyey wargeyska caanka ah ee The Sun ee ka soo baxa dalka UK, Ruushka ayaa damacsan inuu balaadhiyo qorshihiisa milatari ee qaarada Afrika iyo bariga dhexe,Wargeyska ayaa baahiyey in la sheegay wada hadal u socda dawlada Ruushka iyo somaliland iyada oo la qorshaynayo in askar tiradoodu gaadhayso 1,500 ay ka hawl galaan saldhigaasi kuwaas oo taageeri doona maraakiibta dagaalka, maraakiibta gaasta qaada iyo maraakiibta ganacsiga.

 

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in haddii Ruushku uu saldhig milatari ku yeesho somaliland uu noqon doono saldhigiisii ugu horeeyey ee qaarada Afrikauu ku yeesho wixii ka dambeeyey dagaalkii qaboobaa, taas oo noqon doonta talaabo weyn oo qayb ka ah barnaamij casri ah oo uu madaxweynaha ruushku damacsan yahay.

Warka uu wargeysku daabacay ayaa sheegay in magaalada Saylac ay tahay goobta uu Ruushku doonayo inuu ka hir gelinayo haddii ay dhacdo inuu saldhig ciidan ka samaysto somaliland, magaaladaas oo ku taala xadka Jabuuti isla markaana waxyar u jirta saldhiga milatari ee dawlada Shiinuhu ku leedahay dalka Jabuuti.