Chelsea ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Burnley si ay u sii wadato rajada ay ka leedahay in ay kaalinta afraad ku dhamaysan karto xili ciyaareedkan iyada oo guushan ku soo gaadhay 2-1. Victor Moses ayaa guushan Blues ku soo hogaamiyay kadib markii uu dhaliyay goolka labaad iyada Ashley Barnes uu kansalay gool uu iska dhaliyay Kevin Long.

Chelsea ayaa haysata afar kulan oo kale oo ay rajadeeda kaalinta afraad ku sii raadin doonto waxayna wali u baahan tahay in kooxda kaalinta afraad ku jirta ee Tottenham ay dhibco kale lumiso.

Chelsea ayaa doonaysay in ay sii wadato rajada yar ee ay ka qabto in ay kaalinta afraad ku soo bixi karto waxayna rajo ka heshay labadii kulan ee ugu danbeeyay ee ay kooxda Tottenham lumisay shanta dhibcood iyo guushii ay Chelsea ka soo gaadhay Southampton laakiin markale Blues ayaa maraysay imtixaanka kooxda Burnley oo ku riyoonaysa in ay Europa League u soo baxdo.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid aad u adag oo ay labada kooxood si wayn ugu dagaalameen laakiin kooxda Brunley ayaa nasiib daro ku lahayd in hogaanka ciyaarta looga hayay gool uu ciyaartoy kooxdeeda ahi iska dhaliyay waxayna ahayd qaybtii hore mid ay Burnley iska caabin wayn kala hortimdi Blues.

DAQIIQADII 20 aad Kooxda martida ahayd ee Chelsea ayaa heshay goolka kaliya ee qaybtii hore kulankan laga dhaliyay waxaana goolkan iska dhaliyay Kevin Long kaas oo shabaqa kooxdiisa Burnley gaadhsiiyay kubbad uu goolhaye Pope awoodi waayay in uu iska joojiyo.

Victor Moses ayaa soo garaacay Ward wuxuuna kubbada ku soo karoosay xerada ganaaxa Burnley taas oo ugu danbayn noqotay goolka farqiga sameeyay ee uu Kevin Long kooxdiisa ka dhaliyay waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta ku haysay.

DAQIIQADII 64 AAD Kooxda Burnley ayaa qaybtii labaad ee ciyaarta dadaal badan u gashay in ay goolka barbraha keensato waxayna ugu danbayn heshay goolkan kaas oo uu u dhaliyay Ashley Baines kadib markii uu caawin ka helay Guðmunds­son waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah oo ay Burnley xamaasada ciyaarta sare ugu qaaday.

DAQIIQADII 69 AAD Chelsea ayaa markale hogaanka ciyaarta soo ceshatay kadib markii uu Victor Moses si fiican uga faa’iideeyay kubbad caawin uu sameeyay Emerson inkasta oo ay kubbadu ku sii dhacday Pope waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Blues hogaanka ku soo ceshatay.

Kooxda martida loo ahaa ee Burnley ayaa markale bilawday hawl galo kale oo ay ku raadinayso goolka barbaraha waxayna abuuraysay fursado badan laakiin markan Chelsea ayaa doonaysay in ay qalad kale ka samayn natiijada ciyaarta si ay guul u gaadhi karto.

Laakiin Chelsea ayaa raadinaysay gool ay ugu quus goyso Burnley iyada oo Blues heshay fursado fiican oo ay ciyaarta si rasmi ah ugu dili kartay laakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Chelsea guul muhiim ah kaga soo gaadhay kooxda Burnley.

SHARES71

1 Aragtiayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1.  
    Zalaxu Diin Al-ayuupi20-04-2018 at 10:37 am -Reply

    Halkaa ka kasii wada Guuzha inzha Allah waynu Gaadhi Hammigeena ah kaalinta afraad

 
 

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

 

Sii Akhri Wararka Kale Ee Maanta
DEG DEG: Arsene Wenger Oo Xaqiijiyey In Uu Ka Tagayo Arsenal Dhammaadka Xilli Ciyaareedkan

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsee Wenger ayaa xaqiijiyey in uu iska casili doono xilka tababarenimo ee Gunners gunaanadka ol’olahan. Wenger waxaa saarnaa cadaadis ba’an...

Xog Aruuriyaha Opta Oo Soo Saaray Liiska 20-ka Xidig Ee Ugu Xawaaraha Badan Horyaalka Premier League & Salah Oo Laga Waayay Tobanka Hore.

Horyaalka Premier League wuxuu noqday mid ka ah horyaalada aadka loo xiiseeyo ee kubadda cagta, waxaana ku sugan xidigo caan ah oo xawaaraha ku dheereeya, sidaas darteed xog...

Daawo: Gabar Yar Oo Soo Bandhigtay Farsamooyinka Neymar, Kadib Oohin Is Qaban Kari Wayday Markii Ay Aragtay Fariin Uu U Soo Diray & Hadyada Maaliyadiisa Brazil Ah

Gabar yar oo taageero weyn u ah Neymar ayaa soo bandhigtay farsamooyin u gaar ah iyada oo ay sheegtay in ay kaga dayato Xiddiga ay taageerto. Gabarta yar ayaa markii dambe...

Daawo: Qaabkii Waalida Ahayd Ee Uu Alvaro Marata Uga Fal Celiyay Markii Badalka Lagu Sameeyay Kulankii Burnley

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Alvaro Morata ayaa qaabtay habeen uu doonayo in uu iloobo kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaartay kooxda Burnley. Morata ayaa fursad loo siiyay...

Rajadii Ateltico Madrid Ee Koobka La Liga Oo Soo Dhamaatay Iyo Real Sociedad Oo Markale Barcelona U Sahashay In 3 Dhibcood Oo Kaliya Ay Uga Baahato Shanta Kulan Ee Hadhsan.

Kooxda Atletico Madrid ayaa si dhab ah u lumisay rajadii yarayd ee ay ka lahayd koobka La Liga kadib markii ay xaquuq kala soo kulantay kooxda Real Sociedad oo ay marti u...