Rajadii Ateltico Madrid Ee Koobka La Liga Oo Soo Dhamaatay Iyo Real Sociedad Oo Markale Barcelona U Sahashay In 3 Dhibcood Oo Kaliya Ay Uga Baahato Shanta Kulan Ee Hadhsan

0
Friday April 20, 2018 - 12:26:00 in by salman abdi
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rajadii Ateltico Madrid Ee Koobka La Liga Oo Soo Dhamaatay Iyo Real Sociedad Oo Markale Barcelona U Sahashay In 3 Dhibcood Oo Kaliya Ay Uga Baahato Shanta Kulan Ee Hadhsan

    Rajadii Ateltico Madrid Ee Koobka La Liga Oo Soo Dhamaatay Iyo Real Sociedad Oo Markale Barcelona U Sahashay In 3 Dhibcood Oo Kaliya Ay Uga Baahato Shanta Kulan Ee Hadhsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rajadii Ateltico Madrid Ee Koobka La Liga Oo Soo Dhamaatay Iyo Real Sociedad Oo Markale Barcelona U Sahashay In 3 Dhibcood Oo Kaliya Ay Uga Baahato Shanta Kulan Ee Hadhsan

Kooxda Atletico Madrid ayaa si dhab ah u lumisay rajadii yarayd ee ay ka lahayd koobka La Liga kadib markii ay xaquuq kala soo kulantay kooxda Real Sociedad oo ay marti u ahayd. Barcelona ayaa haddaba 3 dhibcood oo kaliya u jirta in ay koobka La Liga ku guulaysato laakiin iyada oo aan kubbad baasan ayay koobkan qaadi kartaa haddii ay dhibco kale Atletico Madrid ku lumiso kulamada Real Betis iyo Alaves oo ay ciyaari doonto ka hor Barcelona inta ayna La Liga ku soo laaban.

Barcelona ayaa oo iyaduba barbaro la gashay kooxda Celta Vigo laakiin guuldarada soo gaadhay Atletico Madrid ayaa ka dhigaysa in Barca ay haddaba hogaanka La Liga ku hayso 12 dhibcood oo saafi ah iyada oo shan kulan ka hadhsan yihiin dhamaadka xili ciyaareedkan.

Kooxda Real Sociedad ayaa 3-0 ku soo xasuuqday kooxda Diego Simeone ee Atletico Madrid iyada oo ay goolasha Sociedad kala dhaliyeen Willian José (27) Juanmi (80) Juanmi (90+2) waxayna hadda Atletico Madrid is arkaysaa iyada oo quus dhab ah ka taagan in ay Barca la tartanto.

Haddii ay Atletico Madrid wada guulaysato 5 kulan ee u hadhsan isla markaana ay Barcelona wada guuldaraysato 5 kulan ee u hadhsan oo kaliya ayay Atletico Madrid koobkan ku guulaysan kartaa taas oo hadda ah mid suurtogalnimadeedu aad u adag tahay.

Barcelona oo 83 dhibcood ka soo heshay 33 kulan ayaa 12 dhibcood ka saraysa Atletico Madrid oo 71 dhibcood ka heshay isla 33 kulan, taas oo la micno ah in haddii ay Atletico Madrid guuldaro kala kulanto Real Betis inta ay Barca ku mashquulsan tahay Copa Del Rey in markaas ay kooxda Valverde isla usbuuc kuwada guulaysan karto koobka La Liga iyo haddii ay Sevilla koobka boqorka Spain kaga adkaato.

Waxay hadda u muuqataa in Atletico Madrid ay muhiimada kowaad saari doonto afar dhamaadka Europa League oo ay Arsenal la ciyaari doonto taas oo waqtigii la filayay ka soo dadajin karta in koobka La Liga ay kooxda Valverde si rasmi ah oo xisaab ah ugu guulaysan karto.

Barcelona ayaa marka ay soo dhamaysato finalka Copa Del Rey la ciyaari doonta kooxda Deportivo waana kulanka ay La Liga ku guulaysan doonto haddii ay kooxda Atletico Madrid dhibco kale sii lumiso kulamada Real Betis iyo Alaves taas oo la micno ah in kulanka El Clasico-da ay Barca ciyaari doonto iyada oo Championska Spain ah.