XOG: Real Madrid Oo Taariikhdii Ugu Xumayd Qarnigan 21-Aad Loogu Diwaan Galiyay Santiago Bernabeu, 12 Kooxood Oo Guul Ama Barbaro Ku Helay Iyo Zidane Oo Taariikh Xun Dhigay.

0
Friday April 20, 2018 - 12:34:10 in by salman abdi
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: Real Madrid Oo Taariikhdii Ugu Xumayd Qarnigan 21-Aad Loogu Diwaan Galiyay Santiago Bernabeu, 12 Kooxood Oo Guul Ama Barbaro Ku Helay Iyo Zidane Oo Taariikh Xun Dhigay.

    XOG: Real Madrid Oo Taariikhdii Ugu Xumayd Qarnigan 21-Aad Loogu Diwaan Galiyay Santiago Bernabeu, 12 Kooxood Oo Guul Ama Barbaro Ku Helay Iyo Zidane Oo Taariikh Xun Dhigay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XOG: Real Madrid Oo Taariikhdii Ugu Xumayd Qarnigan 21-Aad Loogu Diwaan Galiyay Santiago Bernabeu, 12 Kooxood Oo Guul Ama Barbaro Ku Helay Iyo Zidane Oo Taariikh Xun Dhigay.

Zinedine Zidane ayaa soo abuuray rekoodho badan oo taariikh ah wuxuuna tan iyo markii uu Real Madrid la wareegay noqday mid si wayn looga hadal hayo kubbada cagta aduunka, laakiin waxa uu xili ciyaareedkani kooxdiisa Madrid u ahaa mid aad u adag marka la qiimeeyo xogta natiijooyinkii ay ka soo heshay horyaalka La Liga iyo guud ahaan kulamadii ay Santiago Bernabeu ku soo ciyaartay.

Waxay noqotay markii ugu horaysay ee intii lagu jiray qarniga 21 aad ay Real Madrid rekoodhkii ugu xumaa ku soo yeelatay garoonkeeda iyada oo xili ciyaareedka oo aan wali dhamaan ay 12 kooxood oo kala duwan ay natiijo fiican kala baxeen Bernabeu waxaana ku jira laba kooxood oo ka ciyaara horyaalada heerarka hoose ee dalka Spain.

Real Madrid ayaa xili ciyaareedkan ku fashilantay in ay Estadio Santiago Bernabeu guul kaga gaadho kooxaha kala ah Valencia, Levante, Real Betis, Tottenham, Fuenlabrada, Barcelona, Numancia, Villarreal, Leganes, Atletico Madrid, Juventus… iyo Atletic Athletic oo ugu danbaysay.

Kooxahan ayaa Estadio Santiago Bernabeu kaga soo muuqday saddexda tartan ee La Liga, Copa Del Rey iyo Champions League waxayna kuwa ugu hooseeyaa barbaro kaga heleen Madrid garoonkeeda halka kuwo kale ay guulo ku gaadheen.

Real Madrid ayaa 14 guulood ku soo gaadhay Bernabeu xili ciyaaredkan waxayna la soo kulantay 5 guuldaro halka 7 kulan ay barbaro soo gashay waxaana Madrid garoonkeeda xili ciyaareedkan looga dhaliyay 64 gool halka ay ku soo dhalisay 32 gool waxaana xogtan laga diwaan galiyay 26 kulan oo ay madrid xili ciyaareedkan garoonkeeda ku soo ciyaartay tartamada oo dhan.

Rekoodhan ayayna Real Madrid marnaba la soo kulmin intii lagu jiray qarnigan 21 aad waana rekoodh xun oo Zidane taariikhda ugu jira laakiin wali Zidane ayaa haysta fursada uu taariikhdan xun kaga dhigi karo mid aan la xusuusan isaga oo doonaya in uu markii saddexaad oo xidhiidh ah uu Madrid kula guulaysto UCL.

Real Madrid ayaa xalay dirqi kaga badbaaday guuldaro ka soo gaadhaysay kooxda Bilbao iyada oo Ronaldo uu daqiiqadii 87 aad ka badbaadiyay guuldaradan laakiin waxay hadda u muuqataa in ay kaalinta labaad u waayayso kooxda ay dariska yihiin ee Atletico Madrid oo haddii ay caawa guulaysato 6 dhibcood ka sare mari doonta.