Burco Naadiga Halkaraan oo Madal ilyartu is qabatay kuso Bandhigay Buuggii Halyeeyadii Hantay Himiladooda+Sawiro

0
Friday April 20, 2018 - 17:08:10 in by salman abdi
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco Naadiga Halkaraan oo Madal ilyartu is qabatay kuso Bandhigay Buuggii Halyeeyadii Hantay Himiladooda+Sawiro

    Buuggani oo uu qoray Cabdijibaar Aadan Cabdi(Qarni) Ayaa Xalay Lagu Soo Bandhigay Hotel Deero ee magaalada Burco,waxaana Kasoo Qaybgalay Masuuliyiinta Dawlada Iyo Xisbiyada Qaranka Iyo Qaybaha Kala duwan ee bulshada Burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buuggani oo uu qoray Cabdijibaar Aadan Cabdi(Qarni) Ayaa Xalay Lagu Soo Bandhigay Hotel Deero ee magaalada Burco,waxaana Kasoo Qaybgalay Masuuliyiinta Dawlada Iyo Xisbiyada Qaranka Iyo Qaybaha Kala duwan ee bulshada Burco.

Naadiga AKhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan ayaa madal Ballaadhan kusoo Bandhigay Buug lagu ururiyey Taariikhda Iyo Horumar ay ka gaadheen Himilooyin ay lahaayeen 17 Qof oo Nool oo kamida Dadka ugu magaca weyn Somaliland ee ugu saamaynta badan dhinaca siyaasadda, caafimaadka iyo Ganacsiga.

Buuggan oo loo Bixiyey Halyeeyadii Hantay Himiladooda oo uu qoray Cabdijibaar Aadan Cabdi, ayay kasoo qaybgaleen Masuliyiinta Naadiga Halkaraan, Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka ee Gobolka Togdheer, Xubno kamida Xildhibaanada Golaha Degaanka, Hal abuurro, aqoonyahano iyo masuuliyin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada.

Ugu horeyn Guddomiyaha Naadiga Halkaraan ayaa uga mahadceliyey Qoraaga Safarka dheer usoo galay sidii uu Bulshada reer Burco usoo gaadhsiin lahaa Buuggan qiimaha badan iyo weliba Martida caweyskan qiimaha leh soo cammirtay.

Xildhibaan Axmed Cabdi dhinbiil, guddomiyaha waxbarashada gaarka ah ee wasaradda waxbarashada jaamac cabdilahi, abwaan hurre walanwal, iyo guddomiyaasha xisbiyada qaranka ee heer gobol ayaa ad u dhiirigeliyey qoraaga, kuna ammaanay sidu isugu hawlay inu taariikhdooda ururiyo dadkaas qiimaha badan,

Qoraa Cabdijibaar ayaa si waafiya u sharraxay Buugga iyo 17ka qof ee uu tarikhdooda iyo guulaha ay gaadheen kuso ururiyey, waxuuna tilmaamay in shakhsiyaadkani yihin dad nolosha kasoo bilaabay meesha u hoosaysa haddan gaadhay meesha u sarraysa ee dhinacyada siyaasadda, caafimaadkaiyo ganacsiga, kuwaaso isugu jira Madaxweynayaal iyo madaxweyne kuxigeeno dalka soo maray, Tujaarta ugu caansan Somaliland iyo Drs Edna Adan.

Gebogabadiina waxa suaaalo la waydiiyey qoraaga isagoo si waafiya uga jawaabay, waxana halkaas abaalmarino buugaag ah lagu guddoonsiyey dad ka jawaabay su’aalo la waydiiyey


 

 

 

 

 

 




Afkashacabka.com