Qaza:-Falastiniyiin horleh oo ku dhintay rabshadaha Marinka Qaza.

0
Saturday April 21, 2018 - 08:03:21 in by salman abdi
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaza:-Falastiniyiin horleh oo ku dhintay rabshadaha Marinka Qaza.

    Qaza:-Falastiniyiin horleh oo ku dhintay rabshadaha Marinka Qaza.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaza:-Falastiniyiin horleh oo ku dhintay rabshadaha Marinka Qaza.

Mas'uuliyiinta caafimaadka ee marinka Qaza ee Falastiin ayaa sheegay in afar qof oo Falastiniyiin ah oo uu kamid yahay ilma yar oo afar iyo toban jir ah ay toogteen ciidammada Israel.

Dhacdadan oo ka dhacday xadka Israel ayaa timid iyadoo Falastiniyiinta ay ku guda jiraan dibadbaxyo toddobaadyadii la soo dhaafay oo ay uga soo horjeedaan dowladda Israel.

Mas'uuliyiinta caafimaadka waxaa kale oo ay shegeen in dad kale oo gaaraya laba boqol ay ku dhaawacmeen rasaasta iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.

Ciidammada Yuhuuda ayaa ugu yaraan 35 qof oo Falastiniyiin ah dilay tan iyo intii ay bilowdeen dibadbaxyadani, waxaana Falastiniyiinta ay bilaabeen qaabab cusub oo ay ku weeraraan ciidammada Israel, taasi oo ay kamid tahay in dhalooyin qaabka bambooyinka u sameysan ay ku weeraraan askarta Israel.