Deg Deg: Madaxweynaha Somaliland oo Hadda Xilal Cusub Magacaabay Qaar kalena Xilalkii Ka qaaday

0
Saturday April 21, 2018 - 14:45:55 in by salman abdi
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg: Madaxweynaha Somaliland oo Hadda Xilal Cusub Magacaabay Qaar kalena Xilalkii Ka qaaday

    Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi ayaa goor dhoweyd Buuxiyey Jagooyin Bannaana, sido kalena xilal cusub magacaabay qaar kalena Xilalkii ay hayeen Ka qaaaday warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada aya lagu yidhi sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi ayaa goor dhoweyd Buuxiyey Jagooyin Bannaana, sido kalena xilal cusub magacaabay qaar kalena Xilalkii ay hayeen Ka qaaaday warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada aya lagu yidhi sidan:

WAR-SAXAAFADEED: 21/04/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-83/042018 ku magacaabay masuuliyiintan hoos ku xusan:

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey,

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi Guddoomiyaha Baanka Dhexe
2. Axmed Xasan Cabdi Carwo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe
3. Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
4. Cabdirashiid Cabdillaahi Hande Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Salal
5. Cabdi Xuseen Cabdi Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada

Guddida Qandaraasyada Qaranka

1. Nuux Maxamed Xuseen Aadan Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka
2.
Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi Bidhaan Guddoomiye Ku –xigeen Guddida Qandaraasyada Qaranka
3. Cabdi Giire Jaamac Kadiye Xubin
4. Maxamuud Aadan Maal Xubin
5. Cabdi Faarax Ducaale Xubin
6. Maxamed Diiriye Xayd Nuur (Dib-jir) Xubin
7. Caasha Cabdillaahi Cilmi Xubin
8. Maxamuud Axmed Xirsi Baar-cad Xubin

Masuuliyiinta aan xilalka ka qaadayna waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii shaqo, muddadii ay xilka Qaranka hayeen.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland