Hargeysa: Boqor Buur-madow Oo Damiin Lagu Sii Daayay+Cidda Damiinatay Iyo Eedaha Loo Haystay

0
Saturday April 21, 2018 - 15:01:25 in by salman abdi
  • Visits: 643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa: Boqor Buur-madow Oo Damiin Lagu Sii Daayay+Cidda Damiinatay Iyo Eedaha Loo Haystay

    Boqor Cismaan Buurmadow ayaa maanta damiin lagaga sii daayay xabsiga weyn ee Hargeysa sida uu BBC-da u sheegay Xildhibaan Ruush oo sheegay in uu soo damiintay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqor Cismaan Buurmadow ayaa maanta damiin lagaga sii daayay xabsiga weyn ee Hargeysa sida uu BBC-da u sheegay Xildhibaan Ruush oo sheegay in uu soo damiintay.

Buurmadow ayaa sheegay in aanu wax dambi ah galin laakiin, wuxuu ka gaabsaday in uu wax war ah bixiyo sida uu sheegay Axmed Saciid Cige wariyaha BBC-da. 

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa ka hors ii daynta Buurmadow waxa uu BBC-da u sheegay in Buurmadow loo haysto hadallo Qaranka ka dhan ah iyo madaxweynaha oo uu ka been abuurtay. 

Wuxuu sheegay in saldhigga looga wareejiyay jeelka weyn si uu halkaasi ugu qaato 7 cisho oo rumaan ah laakiin, waxa xusid mudan in la sii daayay iyada oo aan wax maxkamad ah la gayn. 

Madaxweyne Riyaale, Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixi ayaa dhammaantood xidhay Boqor Buurmadow oo ka mid ah dadka caanka ah ee dhaqanka Somaliland, islamarkaana lagu yaqaano hadallo cadcad waxaanu dhawaan ka hadlayay in guddoomiyaha Kulmiye beeshiisa lagu soo wareejiyo.