Dubai: Nuxurka Warbixin Wakaaladda Wararka ee REUTERS ay ka diyaarisay Waraysiyo ay la yeelatay Masuliyiinta DpWorld, Somalia iyo Somaliland

0
Saturday April 21, 2018 - 15:29:50 in by salman abdi
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dubai: Nuxurka Warbixin Wakaaladda Wararka ee REUTERS ay ka diyaarisay Waraysiyo ay la yeelatay Masuliyiinta DpWorld, Somalia iyo Somaliland

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Jimcihii waraysatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, danjiraha Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil Cumar iyo afhayeenka shirkadda DP World.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Jimcihii waraysatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, danjiraha Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil Cumar iyo afhayeenka shirkadda DP World.

Masuuliyiintan ayaa ku kala aragti duwan mashaariicda horumarineed ee DP World ka waddo dekeddaha Berbera iyo Boosaaso. 

Afhayeenka shirkadda DP World ayaa Reuters u sheegay in mashaariicda ay ka wadaan Somaliland iyo maamulka Puntland yihiin kuwo diyaarsan oo shaqadoodu degdeg u bilaami to "Somaliland iyo Puntland labaduba waxay DP World ku boorriyeen in ay dhakhso u bilawdo dhismaha,” Sidaas ayuu sheegay afhayeenka DP World. 

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku doodaya in ay DP World ka doonayaan in ay dib u eegto heshiiska Berbera soona marto dawladda Federaalka ah "Waxaanu DP World leenahay waa in ay dib u tixgeliso heshiisyadan, khaasatan heshiiska dekedda Berbera inta Somaliland ku doodayso in ay tahay dal madax bannaan,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Cawad.

Waxa uu intaasi ku daray in heshiiska horumarinta dekedda Berbera ee DP World oo aan soo marin xukumadda Soomaaliya oo sharci u leh ay abuurtay khilaaf iyo Isfahan la’aan aan wali xal loo helin. 

Hase ahaatee danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka Amb Baashe Cawil ayaa sheegay in aan laga wada hadli Karin heshiiska dekedda Berbera "Dawladda Soomaaliya waxba kuma samayn karto heshiiskan,” Sidaas ayuu yidhi Amb Baashe oo khadka telefoonka kula hadlay Reuters. 

Wasiirru-dawlaha khaarajiga ee Imaaraadka Anwar Maxamed Qarqaash ayaa dhawaan sheegay in ay xukumaddii hore ee Somalia Isfahan kala gaadheen heshiiska dekedda Berbera laakiin, waxa arrintaasi beeniyay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo sheegay in aanay meelna ku hayn caddayn ku saabsan arrintaasi. 

Somalia iyo Imaaraatka ayuu soo kala dhex galay khilaaf cakiran waxaana istaagay xidhiidhka labada dal ee dhanka Militariga iyo Samafalka. 

Xiisaddan waxa sal u ahaa khilaafka Qadar iyo Carabta oo Somalia dhexdhexaad ka ahayd waxaana dabka ku sii shiday heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka iyada oo ay arrinta cirka ku shareertay lacag Imaaraadku leeyahay oo Muqdisho qabsatay waxaana hubaal la’aan ku jira xidhiidhka labada dal inkasta oo wasiirka Khaarajiga Somalia sheegay in ay wada hadal diyaar u yihiin una celinayaan Abu Dubai lacagteeda.

 Halkan gal si aad u akhrisatid:  INTERVIEW-DP World should rethink port deals in Somalia – foreign minister