Muqdisho: Dowladda Soomaaliya Oo La Wareegtay Saldhig Ciidan Oo Uu Imaaraadka Carabtu Maamulayay.

0
Saturday April 21, 2018 - 15:45:50 in by salman abdi
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho: Dowladda Soomaaliya Oo La Wareegtay Saldhig Ciidan Oo Uu Imaaraadka Carabtu Maamulayay.

    Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay dugsigii tababarka Jen Gordan oo ay horey u maamulayeen saraakiishii Imaaraadka ee tababarka siinayay ciidamada dowladda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay dugsigii tababarka Jen Gordan oo ay horey u maamulayeen saraakiishii Imaaraadka ee tababarka siinayay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidamadii halkaa ay ku tababarayeen Imaaaraadka iyo gadiid ka kooban 25 gadiidka Cabdi Bilaha ah oo ka mid ahaa agabkii ciidamada ee halkaa yaalay. Abaandulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jen Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in dowladdu maanta si rasmi ah ula wareegtay xerada Jen Gordan iyo ciidamadii halkaa lagu tababarayay intaba, waxaana uu meesha saaray warar sheegayay in la bililiqeystay xerada iyo agabkii militari ee yaalay. 

‘’Saraakiishii Imaaraadka ee dugsiga maamulayay waxaa ay si buuxda ugu wareejiyeen dugsigan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaan la wareegay dhamaanba dhismihii uu ka koobnaa dugsiga, waxaan kaloo la wareegnay gadiid ay noogu deeqeen’’ ayuu yiri Abaandulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.