Waqooyiga Kuuriya:-Dunida Oo U Riyaaqday Go'aanka Kuuriyada Waqooyi

0
Sunday April 22, 2018 - 10:32:28 in by salman abdi
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waqooyiga Kuuriya:-Dunida Oo U Riyaaqday Go'aanka Kuuriyada Waqooyi

    Hadalkii ay ku sheegtay Kuuriyad Woqooyi in ay hakinayso barnaamijkeeda nukliyeerka iyo tijaabada gantaalaha, ayaa dunida aad looga soo dhaweeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadalkii ay ku sheegtay Kuuriyad Woqooyi in ay hakinayso barnaamijkeeda nukliyeerka iyo tijaabada gantaalaha, ayaa dunida aad looga soo dhaweeyey.



Hogaamiyaha dalkaas Kim Jong-un ayaa sheegay in tijaabooyin dambe oo dheeraad ah aan loo baahnayn, maadaama Kuuriyada Woqooyi muujisay in ay haysato hubka nukliyeerka.

Donald Trump ayaa go’aankaa ku tilmaamay in uu yahay "war dunida u wanaagan”, Kuuriyada Koonfureed na waxay sheegtay in tallaabadaasi tahay hor u kac macno leh.

Midowga Yurub ayaa isaguna yidhi waa mid "togan” laakiin waxa uu ku baaqay in dalkaasi gabi ahaanba nukliyeerkiisa baabiiyo.

Kuuriyada Woqooyi waxay u diyaar garoobaysaa shir madaxeed taariikh ah oo ay iskugu iman doonaan Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka.

Hortaantii Sabtidii ayaa Kim Jong-un waxa uu yidhi "laga bilaabo 21 Abriil, Kuuriyada Woqooyi waxay joojinaysaa tijaabooyinka nukliyeerka iyo gantaalaha ridada dheer ee Ballistic-ga”

Hadalkaa lama filaanka ahaa waxa shaacisay wakaaladda wararka ee dalkaas ee KCNA, oo sidoo kale sheegtay in la xidhayo xeradii tijaabooyinkaa lagu samayn jiray.

Madaxweyne Trump oo arrintaa soo dhaweeyey ayaa hadal uu ku qoray boggiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inuu naawilayo kulan fool ka fool ah oo uu la yeesho Kim Jong-un bisha Juun ee soo socota.

Kim iyo dhigiisa Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa iyagana lagu wadaa in ay todobaadka dambe iskugu yimaadaan kulan madaxeedkii ugu horeeyey ee ay yeeshaan labada dal mudo toban sano iyo dheeraad ah.

Xafiiska Moon Jae-in ayaa sheegay in go’aanka Kuuriyada Woqooyi "gacan ka gaysan doono abuuridda jawi togan oo guul lagaga gaadhi kari kulanka madaxda labada Kuuriya iyo sidoo kale ka madaxda Maraykanka iyo Kuuriyada Woqooyi”

Madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa iyadna waxay sheegtay in arintaasi ahayd "talaabo mudo dheer la sugayey” oo ay haboontahay in ay suurto geliso "baabiinta nukliyeerka oo aan dib loo curin karin, isla markaana la xaqiijin karo”.

Hadalkaa mid la mid ahina waxa uu ka soo baxay Ingiriiksa oo warbixin ay xukuumadda dalkaasi soo saartay lagu yidhi waxaanu "rajaynaynaa in arrintani muujinayso dedaal lagu doonayo in lagu galo wada xaajood lagu niyad sanyahay”.