Ingiriiska:-Dad Britain u dhashay oo shil ku dhintay iyaga oo cumraysanaya

0
Monday April 23, 2018 - 11:12:50 in by salman abdi
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriiska:-Dad Britain u dhashay oo shil ku dhintay iyaga oo cumraysanaya

    Afar ruux oo Britain u dhalatay ayaa dhimatay 12 ruux oo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray ka dib markii uu shil galay bas ay saarnaayeen iyaga oo cumro u jooga Sacuudiga, sida ay sheegtay shirkad dhanka socdaalka ka shaqaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar ruux oo Britain u dhalatay ayaa dhimatay 12 ruux oo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray ka dib markii uu shil galay bas ay saarnaayeen iyaga oo cumro u jooga Sacuudiga, sida ay sheegtay shirkad dhanka socdaalka ka shaqaysa.


Raj Begum Xuseen oo 70 jir ah ayaa ka mid ahayd dadka dhintay, waxaa kale oo la sheegay in ay dhinteen nin kale oo duq ah iyo hooyo iyo wiil ay dhashay.

Bas ay saarnaayeen dadkan ku soo cumraysanayay masaajidka Nabiga N.N.K.H ee magaalada Madina ayaa waxaa ku dhacay gaari shidaal waday, dab halkaas ka dhashay ayaana baskii qabsaday, sida ay shirkaddaasi socdaalku sheegtay.

Shirkadda socdaalka ee Hashim Travel oo safarkan isku dubaridday ayaa sheegay in "shilka Sabtidii dhacay uu ahaa mid aad u xannuun badan".

Siddeed iyo toban ruux ayaa baska saarnayd marka uu shilku dhacay, dhammaantood isbitaal ayaa loola cararay, halkaas oo wali lagu dabiibayo lix ka mid ah dhaawicii.

Raj oo dadka dhintay ka mid ah ayaa dhashay lix ilmood waxayna ayay u ahayd 13 kale, waxaa safarka ku wehelisay walaasheed oo ka yar oo badbaaday balse dhaawac soo gaaray.

Waxaa la fahamsan yahay in dadka dhaawaca ah uu ka mid ah yahay ilmo yar.

Dadkan ayaa hal toddobaad ku sugnaa Sacuudiga iyaga oo u joogay in ay gutaan acmaasha Cumrada.