Cristiano Ronaldo Oo Ka Warqaba In Gareth Bale Ku Biiri Doono Manchester United, Xataa Waxa Uu Ogyahay Lambarka Loo Diyaariyey

0
Monday April 23, 2018 - 18:06:45 in by salman abdi
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Ka Warqaba In Gareth Bale Ku Biiri Doono Manchester United, Xataa Waxa Uu Ogyahay Lambarka Loo Diyaariyey

    Cristiano Ronaldo Oo Ka Warqaba In Gareth Bale Ku Biiri Doono Manchester United, Xataa Waxa Uu Ogyahay Lambarka Loo Diyaariyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo Oo Ka Warqaba In Gareth Bale Ku Biiri Doono Manchester United, Xataa Waxa Uu Ogyahay Lambarka Loo Diyaariyey

Cristiano Ronaldo wuu ka warqabaa rabitaanka Gareth Bale ee ah in uu ku biiro Manchester United iyo lambarka uu u xiran doono.

Real Madrid waxa ay dooneysaa in ay xagaaga iibiso Gareth Bale waxaana ugu cad cad saxiixiisa Mancehster United.

Marka laga yimaado ka leex leexashada Jose Mourinho, sida ay qabto Express Sport, Manchester United waxa ay dooneysaa in ay dhammeeyso saxiixiisa dhammaadka ol’olahan.

Gareth Bale xilli ciyaareedkan waxa uu u dhaliyey Real Madrid 14 gool 33 kulan oo uu dhammaadkan kolkan u saftay.

Majaladda Don Balon, oo ka soo baxda Spain waxa ay qortay in Cristiano Ronaldo ka warqabo in uu Bale ku dambeyn doono Mancehster United.


Xiisahaha uu Jose Mourinho u qabo 28 jirka ma aha wax cusub.

Xagaagii hore, United waxa ay isku dayday in Bale kala soo wareegto Real Madrid xilligaas oo uu Mourinho xiisaha kooxda shaaric ka sheegay.

Hase yeeshee, Gareth waxa uu go’aansaday in uu joogo Madrid, doorasho dib ka qaniini doonta.

Laacibkii hore ee Tottenham Hotspur waxa uu hoos uga dhacay xulasha Zinedine Zidane waxaana ka horreeya Marco Asensio.

Don Balon, waxa ay qabtaa in Manchester United ay saxiixiisa kaga adkaan doonto Chelsea iyo Bayern Munich oo doonaya.

Waxaa la sheegay in Ronaldo ogyahay in Mourinho uu lambarkii uu siin lahaa diyaarsaday.

Waa lambarka 10-naad oo uu ka tagay Zlatan Ibrahimovic.

Bale, waligiis waxa uu xiran jiray lambar 11.

Laakiin lambarkaas waxaa xiran hadda Anthony Martial oo ka badalay Adnan Januzaj.