Fransiiska:-Ninkii Ka Dambeeyay Weerarkii Paris Oo Lagu Xukumay 20 Sanno Oo Xadhig Ah

0
Tuesday April 24, 2018 - 10:17:59 in by salman abdi
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fransiiska:-Ninkii Ka Dambeeyay Weerarkii Paris Oo Lagu Xukumay 20 Sanno Oo Xadhig Ah

    Saalax Cabdisalaam oo lagu helay inuu ka dambeeyey weerarkii Paris ka dhacay 2015 ayaa lagu xukumay 20 sana oo xadhig ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saalax Cabdisalaam oo lagu helay inuu ka dambeeyey weerarkii Paris ka dhacay 2015 ayaa lagu xukumay 20 sana oo xadhig ah.



Ayri oo 24 jir ah ayaa sida oo kale 20 sano lagu xukumay, iyaga oo loo heysto rasaasta ay ciidamada ku soo rideen xilli lagu raad joogay.

Cabdisalaam oo loo gudbinayo xabsi ku yaallo dalka Faransiiska wuxuu la kulmi doonaa dacwad kale oo la xidhiidho weerarki uu ka geystay Paris.

Ayari waa 24 jir u dhsahay dalka Tuuniisia oo xukunka maxkamadda maanta loo akhriyey waxaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah oo uu dalbaday xeer ilaaliyaha.

Garsooraha maxkamadda Marie France ayaa sheegtay in aysan ka shaki qabin ” iney labada nin ay ku lug lahaayeen falka argagixsada ah.

Waxay intaa ku dartay ” ujeeddadu waxay tahay mid iska cad dabeecadaha hubka ay isticmaaleen, tirada rasaasta ay rideen iyo ciidammada booliska” ee ay dhaawaceen.

Toogashada iyo Qalalaasyada?

15-ki bisha Maarso ee 2016 Booliska Begium waxay Cabdisalaam ka baadi goobayeen dhul keymo ah oo duleedka Brassels ku yaallo.

Waxayna xoogga saareen goobaha khaaska ee looga shaki qabo inuu shakhsigaasi looga tuhun qabo fal argagixso uu ku dhuumaaleysanaya.

Markii ay xaggiisa u dhaqaaqeenna waxay rasaas isdhaafsadeen ciidanki ku hareereysnaa mid ka mid ahna halkaa uu ku dhintay, saddex kalana dhaawac uu halkaa ka soo gaaray.

Cabdisalam iyo Ayari waxay qorsheynayeen iney baxsadaan, laakiin Cabdisalaam ayaa sawirka farahiisa laga helay halki uu ku dhuumanayey, taasoo lagu ogaaday inuu goobtaasi ka fogeyn.

Ugu dambeyn maalmo kaddib ayaa laga soo qabtay meel ku dhow Molenbeek, kaddibna waxaa loo gudbiyey Dalka Faransiiska.

Cabdiselaam Maxaynu ka ognahay?

Waa nin haysta dhalashada dalka Faransiiska wuxuuna ku dhashay Brussels wuxuu ka soo jeedaa qoys Faransiiska iyo Moroko ka soo kala jedo.

Isaga oo dhalinyaro ah wuxuu ka qayb qaatay dambiyo waaweyn oo ka dhacay Belgium, wuxuuna aaminsanaa iney isaga iyo walaalkiiba noqdaan argagixso.

Waxayna ku biireen koox ka dhisan Faransiiska iyo Belgiumka oo Ururka IS xidhiidh la leh, ururkaasi oo lagu eedeynayo weerarka Paris.

Kooxduna waxay ka qayb qaadatay weerarradi Paris iyo qaraxyadi ka dhacay Tareenka iyo garoonka Brussels ee dhacay 22, March 2016 maalma un kaddib marki la xidhay Cabdisalaam.

Sidee C/salaam loola Xidhiidhiyey Weerarki Paris?

Ninkani wuxuu door muhim ah uu ka cayaaray weerarki 13-ka November 2015 dhacay ee ay kooxdu ku beegsatay goob heesaha lagu soo bandhigo, maqaaxi iyo goob khamriga lagu cabo oo ay ku dhinteeen 130 qof.

Xeer ilaaliyaha Faransiisku wuxuu aaminsan yahay Cabdisalaam kooxda weeerarka geystay ee Islaamiyiinta ah inuu gacan ka siiyey u kireynta Gaariga.

Walaalkii Saalim oo ka mid ahaa dadkii weerarka geystay wuxuu isku qarxiyey afaafka hore ee Maqaaxida.

Saalax cabdisalaam iyo laba saaxibbadii ah ayaa maalinta xigtay Paris ka soo tagay Soona aaday Brussels.

Hay’adaha Amniga ee Faransiiska iyo Begium ayaa waxay soo saareen sawirka Cabdisalaam io Magaciisa malin un kaddib.

Booliiska Belgium ayaa bilooyin raadinayey isaga iyo saaxibkii ugu dambeyntina waxaa laga soo qabtay Duleedka Molenbeek Bisha March 18-keeda 2016.