Hargeisa:-Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Kasocda Dalka Ingiriiska Iyo Nuxurka Waxyaabaha Laga Wada Hadlay.

0
Tuesday April 24, 2018 - 12:03:56 in by salman abdi
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Kasocda Dalka Ingiriiska Iyo Nuxurka Waxyaabaha Laga Wada Hadlay.

    Gudaha:-Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Kasocda Dalka Ingiriiska Iyo Nuxurka Waxyaabaha Laga Wada Hadlay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Kasocda Dalka Ingiriiska Iyo Nuxurka Waxyaabaha Laga Wada Hadlay.

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh:23/04/2018

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Yeeshay Wefti Ka Socda Dalka Ingiriiska

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminayo safiirka waddanka Ingiriiska u qaabilsan dalalka dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador David Concar.

 

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland,ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdiugu horrayn safiirkaiyo weftigiisa ugaga mahadnaqay doorka muuqda ee uu dalka Ingiriisku ka qaato horumarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee sida joogtada ah ula garab taagan yihiin.

 

Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu weftiga uga warramay horumarka iyo guulaha ay Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay iyo qorsheyaasha udub-dhexaadka ah ee ay mustaqbalka higsanayso, isaga oo si gaar ah carrabka ugu ballaadhiyey qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (SNDPII) oo safka hore kaga jira hiigsiga xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale ku wargeliyey xubnaha weftiga, in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay sidii doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee sanadka soo socda qorshaysani waqtigooda ku dhacaan, isla-maraana aanu ku imanin wax dib-u-dhacahi, isaga oo shaaca ka qaaday in wada hadaladii ay Jamhuuriyadda Somaliland la lahayd dhiggeeda Soomaaliya ay hakad geliyeen, sababo la xidhiidha gardarrada ay Soomaaliya ku hayso horumarka Somaliland.

 

Dhankiisa, safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan waddamada Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador David Concar oo isagu weftigahoggaaminayey, ayaamadaxweynaha ku bogaadiyey guulaha Dimuqraaddiyadu hagayso ee ay Somaliland ku tallaabsatay, waxaana uu hoosta ka xarriiqay inay dawlad ahaan majeeranayaan dariiqa loo maray doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ee Somaliland ku caano maashay.

 

Safiirku sidoo kale, waxa uumadaxweynaha u caddeeyey in dawladda UK ay diyaar u tahay inay Somaliland ku garab istaagto horumarka, isla markaana ay kordhin doonaan kaalmooyinka dhaqaale ee ay ku taageeraan


ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.