Hargaysa:-Waax Cusub Oo Lagu Soo kordhiyay Waaxaha Uu Qasriga Madaxtooyadda Somaliland ka Kooban Yahay

0
Wednesday April 25, 2018 - 19:09:12 in by salman abdi
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Waax Cusub Oo Lagu Soo kordhiyay Waaxaha Uu Qasriga Madaxtooyadda Somaliland ka Kooban Yahay

    Waax Cusub Oo Lagu Soo kordhiyay Waaxaha Uu Qasriga Madaxtooyadda Somaliland ka Kooban Yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waax Cusub Oo Lagu Soo kordhiyay Waaxaha Uu Qasriga Madaxtooyadda Somaliland ka Kooban Yahay

Magacaabid Cusub
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
MADAXTOOYADA
XAFIISKA AGAASIMAHA GUUD
Tix: WMXAG/A5/ 00190/ 1/2018/ Taariikh: 25/04/2018

Ku: Cabdiraxmaan Faarax Xasan

Ujeeddo: Magacaabista Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka (Communications Department)

Mudane,

Maanta oo ay taariikhdu tahay 25 April 2018, waxa an kuu magacaabay in ad noqoto Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Madaxtooyada. Xidhiidhka hay’adaha oo la adkeeyaa waxa ay kor u qaadaysaa tayada shaqada, waxa ay abuuraysaa fursad ay iskula socdaan madaxtooyada iyo Ha’adaha dawladda iyo kuwa caalamiga ah. Xidhiidhka oo la xoojjiyaa waxa kale oo ay sahlaysaa in madaxweynuhu qaato go’aamo waxtar leh.

Madaxtooyada Somaliland waa muraayaddii qaranka, taasi oo qasab ka dhigaysa in qof kasta oo xil ka qabta amma ka shaqeeyaa in uu ku sifoobo hufnaan, shaqo wanaag, karti, aqoon iyo daacadnimo. Arintaasina waa ta an maanta kuugu gartay in ad xilalkaasi qaado. Xilka an kuu magacaabay ee agaasime waa xil maamul oo ay hoos yimaadaan shaqaale kale oo aqoon iyo xirfadba leh. Sidaa darteed, waxa kugu waajib ah in aad dhisto waaxdaasi iyo shaqaaleheedaba oo ad ka soo saarto wax isku filan oo si buuxda u shaqeyneysa.

 

Waxa an rajeynayaa in ad xilkaasi uuga soo bixi doontid sida uugu wanaagsan ee uugu waxtarka roon.

ALLA MAHAD LEH

Mohamed Ali Bile
Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL.
OG:Agaasimaha Maamulka Xisaabadka Madaxtooyada JSL