Ciyaaro:-Xulka Kubada Cagta Somaliya Oo U Soo Gudbay Finalka tartanka Cecafa

0
Wednesday April 25, 2018 - 19:26:40 in by salman abdi
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaro:-Xulka Kubada Cagta Somaliya Oo U Soo Gudbay Finalka tartanka Cecafa

    Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ku matalaya tartanka Cecafa ee cayaartooyda da'doodu ka yar tahay 17 sano ayaa ugu danbeyntii xaqiiqsaday in ay u soo baxeen Finalka tartanka kaddib markii ay 1-0 uga adkaadeen xulka Qaranka Uganda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ku matalaya tartanka Cecafa ee cayaartooyda da'doodu ka yar tahay 17 sano ayaa ugu danbeyntii xaqiiqsaday in ay u soo baxeen Finalka tartanka kaddib markii ay 1-0 uga adkaadeen xulka Qaranka Uganda.


Qeybtii hore ee cayaarta waxaa Rigoore loo dhigay aan ka faa’ideysan xulka kubadda Cagta Uganda, tasoo ka dhigtay in wareegga hore lagu kala nasto 0-0.

Hasse ahaatee wareegii danbe ee cayaarta markii leysku soo laabtay ayey xulka kubadda Cagta Soomaaliya Goolkoodii ugu horeeyay helleen kaasoo uu u dhaliyay Farxaan Duqoow, waxaana uu Goolkasi noqday mid u horseeda cayaartooyda Soomaaliya in ay u soo gudbnaa Lugta ugu danbeysa tartanka.

 

Horay waxaa ay uga soo badiyeen xulka Kenya 1-0 waxaana muuqata in dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 17 sano soo bandhigayaan cayaar xirfad sare leh tartanka oo ka soconaya dalka Burundi.