Wakhtiga Ay Ku Eegtahay Qabashadda Araajida Murashaxnimadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo La Shaaciyay

0
Wednesday April 25, 2018 - 19:31:41 in by salman abdi
  • Visits: 381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakhtiga Ay Ku Eegtahay Qabashadda Araajida Murashaxnimadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo La Shaaciyay

    Gudida doorashada baarlamaanka ee guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa soo afjaray qabashada araajida xildhibaanada u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka ee uu baneeyay Prof Maxamed Cusmaan Jawaari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudida doorashada baarlamaanka ee guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa soo afjaray qabashada araajida xildhibaanada u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka ee uu baneeyay Prof Maxamed Cusmaan Jawaari.


Is diiwaangalinta waxa ay ku ekeyd shalay, waxaana la diiwaangaliyay illaa 11 musharax sida uu BBC-da u xaqiijiyay guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee doorashada guddoomiyaha Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle.

Musharixiinta wasiirada ah

Illaa 3 musharax ayaa ku jiray golaha wasiiradda, kuwaas oo guddiga doorashooyinka uu ku wargaliyay in ay iska casilaan xilalka ay ka hayeen golaha fulinta, amarkaas oo ay u hoggaansameen.

Shuruuda ah in ay iska casilaan xilka wasiirnimo ma jirtomeel ay kaga qorantahay dastuurka iyo xeer hoosaadyada, hase yeeshee guddiga waxa ay u arkeen in ay munaasab tahay in qofka qabanaya guddoomiyaha golaha sharci dajinta ay tahay in uu ka madax banaanaado laanta fulinta.

 

Xubnaha is casilay waxaa ka mid ah Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo ahaa wasiirka gaashaandhigga , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda iyo Ibraahim Isaaq Yaroow oo ahaa wasiir ku xigeenka Boostada iyo isgaarsiinta.

Balse markii aan guddoomiye Iidoow weeydiiyay su'aasha ah in Ra'isulwasaaraha uu ka aqbalay iscasilaada iyo in kale, ayuu sheegay in aysan iyagu taas quseynin, kaliyana ay musharaxa ka doonayaan in uu la yimaado warqad iscasilaad ah oo uu kasoo tiimbareeyay xafiiska Ra'isulwasaaraha.

Guddoomiyaha gudida doorashada Nuur Iidoow ayaa sheegay in gudida uu yahay mid madax banaan, islamarkaasna waxyaabaha ay eegayaan ay isugu jiraan kuwa shaac ah iyo kuwa qarsoon, sababta ay shuruuddan u keeneena ay tahay iyaga oo ka eegaya dhanka caddaalada, lana doonaya in labada xildhibaan ay noqdaan kuwa siman, oo midkood uusan xil dheeraad ah haynin.

"Arrinta kale waxa ay tahay qofka wasiirka ah horey ayuu baarlamaanka u siiyay mas'uuliyad, una igmaday xil wasiirnimo, hadda in isla isagii soo laabto oo yiraahdo xil kale iigu dara ma ahan wax habboon, waana in uu dhigaa xilkaas hore" ayuu yiri Iidoow.