Lawya Caddo :-Agaasimaha Socdaalka Iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Oo Lawya Caddo Kormeer Ku Tagay
Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Jen. Maxamed Aadan Koofiayaa oo socdaal ku jooga Dalka Jabuuti ayaa markii ugu horeysay tan iyo intii xilkaasi loo magacaabay socdaal ku yimid Magaaladda Lawya Cado ee xadka u dhaxeeya Waddamada Somaliland Iyo Djabouti.
Waxa ay soo kormeereen xarunta laanta socdaalka ee Waddaka Jabuuti ay ku leeyihiiin Magaaladda Lawya Caddo, halkaas oo ay ugu kuur galeen sida ay u shaqayso iyada oo ay warbixino kaga dhagaysteen Masuuliyiintii halkaasi ku sugnayd.Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Koofi iyo xubnaha wehelinayay ay ku sugnaayeen dhinaca xadka Djabouti ee lawya cade oo ay u muuqato dhinaca Somaliland.
Agaasime Maxamed Koofi oo socdaalka uu Jabuuti ku joogaa uu qaatay dhawr maalmood ayaa sidoo kale soo kormeeray Garoonka diyaaradaha Djabouti, xarunta lagu bixiyo baasaaboorada Djabouti iyo meelo kale.
Lawya Caddo :-Agaasimaha Socdaalka Iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Oo Lawya Caddo Kormeer Ku Tagay
Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Jen. Maxamed Aadan Koofiayaa oo socdaal ku jooga Dalka Jabuuti ayaa markii ugu horeysay tan iyo intii xilkaasi loo magacaabay socdaal ku yimid Magaaladda Lawya Cado ee xadka u dhaxeeya Waddamada