Soomaliya:-Hub Laga Xaday Xeradii Imaaraadka Carabta Oo Muqdisho Lagu Iibinayo

0
Thursday April 26, 2018 - 09:17:29 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaliya:-Hub Laga Xaday Xeradii Imaaraadka Carabta Oo Muqdisho Lagu Iibinayo

    Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ogaatay in saldhiggii ciidamada Soomaalida ay ku tababaraysay dawladda Imaaraadku laga xaday hub badan, islamarkaana lagu iibinayo Muqdisho. Muddadii Imaaraadku waday in uu ka baxo Saldhigga ayaa la sheegay in ciida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ogaatay in saldhiggii ciidamada Soomaalida ay ku tababaraysay dawladda Imaaraadku laga xaday hub badan, islamarkaana lagu iibinayo Muqdisho. Muddadii Imaaraadku waday in uu ka baxo Saldhigga ayaa la sheegay in ciidamada Soomaalidu hub badan xadeen, islamarkaana ay hadda ka iibinayaan dad kale.


Reuters ayaa sheegtay in ilaa 600 qoryaha AK47 u badan la galiyay suuqa, islamarkaana lagu iibinayo qiimo dhan ilaa $700 taas oo ka jaban qiimaha la siiyo qoryaha noocan ah oo gaadhaya $1,350. Ragga hubkan askartu ka iibisay oo Reuters la kulantay ayaa u sheegay in ay markiiba qoryaha dib ugu iibinayaan lacag dhan $1000 waxaana qoryaha ka muuqata calamadda ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada Soomaaliya ayaa ku dagaallamay bililiqaysiga xerada Imaaraadku ka baxay iyada oo la sheegay in qaybo hub la baxayay iyo kuwo difaacanayay iskaga horyimaadeen.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xidhiidhkoodu halkii u xumayd gaadhay markii Muqdisho qabsatay diyaarad Imaaraad ah oo siday 47 askarta Imaaraadka ah iyo lacag dhan $9.6 Milyan. Arrintaasi ayaa kalliftay in Imaaraadku joojiyo macaamilka Soomaaliya waxaana la dhawraya tallaabooyinka uu kaga aargoosan doono.