Hargeisa:-Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Hor Keenayo Qaraar Ka Dhan Ah Haamaha Shiidaalka Ee Dakada Berbera.

0
Thursday April 26, 2018 - 13:04:14 in by salman abdi
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Hor Keenayo Qaraar Ka Dhan Ah Haamaha Shiidaalka Ee Dakada Berbera.

    Hargeisa:-Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Hor Keenayo Qaraar Ka Dhan Ah Haamaha Shiidaalka Ee Dakada Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Hor Keenayo Qaraar Ka Dhan Ah Haamaha Shiidaalka Ee Dakada Berbera.
Guddoomiyaha gudiga deeganka ee golaha wakiilada Somaliland xildhibaan Siciid Warsame Ismaacil, ayaa sheegay inay golaha soo hordhigayaan qaraar dib loogu soo celinaayo haamaha shidaalka gacanta dawlada, waxaanu xaalada shidaalka ee dalka ku tilmaamay mid meel khatar ah maraysa.
 
Waxa uu xildhibaan Siciid madaxweynaa ugu baaqay in la’la xisaabtamo shirkadahan shidaalka, isla markaasna meesha laga saaro gacan ku hayntooda haamaha shidaalka, isaga oo iftiimiyay dadka gaadiidku ka fadhisitay in aanay hayn meel ay uga dacwoodaan shidaalka wasakhaysan ee haamaha shidalka laga buuxiyay.
 
Waxa uu Xildhibaan Siciid sidan u sheegay Bulsho Tv, waxaana isaga ooarimahan ka hadlaayay uu yidhi”Waxaanu soo dhigaynaa Isniinta ugu danbaynta qaraar kale oo aanu madaxweynaha leenahay waa in aad fulisaa go’aankii golaha oo gacanta dawlada lagu soo celiyaa haamaha shidaalka,la’lana xisaabtamo nimankan oo wax alle iyo waxii ay dhaqaale iyo cashuur lunsadeena odhat la galiyo oo lagula xisaabtamo, haday wax sheeganayaan sharci daro ayay ku sheeganayaan oo waa ay u badheedheen oo ma laha sharci ay ku cawdaan, haday yidhaahdaan waxbaanu galinay cid la og iyo heshiis sharci ahi toona ma jiro, waa niman ugu badheedhay waxoodii wax ka badan inay intaas kaga helayaan,madaxweynaha waxaanu leenahay qaraarkan waanu dhigaynaa golaha, waadigii sharcigaa saraynaaya ugu horaysiiyay hadaladaadiiye, markaanu qaraarkaas soo saarno fuli,ninka miskiinka ah ee gaadhigii lagaga shubay isaguna meel uu u dacwoodo ma laha.”
 
Guddoomiyaha gudiga deeganka ee golaha wakiilada Somaliland xildhibaan Siciid Warsame Ismaacil waxa uu sheegay in haamaha shidaalku ay khatar ku yihiin magaalada Berbera iyo dekeda oo ay u dhaw yihiin”Dalku waxa uu saaran yahay mindi afkeed, riboodkii ugu danbeeyay ee gudidayadu soo qaaday waxa uu ahaa in haamaha shidaalka laga fogeeyo 15 Km ilaa 20 Km, iyada oo aanu taas ka cabaadaynay ayaa lagu soo daray gaastii oo haamo looga dhigay waana hala isla ollolo, magaalada iyo dekeduba khatar ayay ku jiraan.”