Hargaysa:-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ka Waramay Xildhibaan Anshax Marin Lagu Sameeyay -
Guddoomiyaha ayaa ka waramay qaabka ay u mareen In Ashax marin lagu sameeyo xildhibaanka,waxaanu guddoomiyahu markale digniin hawadda u mariyay xildhibaanka isaga oo tilmaamay hadii uu ku celiyo hadalada lagu qoonsaday Markii hore in talaabo aanu mahadin laga qaadi doono.
"Xildhibaanku waxa uu Aflagadeeyay golaha isaga oo la hadlay saxaafadda waxaanu jabiyay qodob dastuurka ka mid ah,xildhibaanku golaha waxa uu ku sheegay laaluush qaatayaal isaga oo soo jeediyay in lakala diro golaha,anaga oo eegnay eedaha uu golaha u jeediyay waxaanu u gudbinay gudida joogta ah isla markaasina waxaanu golaha soo galayn shan iyo toban cisho,hadii uu ku noqdana markale waxa la keenayaa golaha waynaha oo xasaanada ayaa laga qaadayaa lakiin kani hadda waa Anshax Marin.Sidaas ayaa uu yidhi Isaga oo u Waramayay Tvga Horn Cable Tv
Intaas waxa uu ku daray guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax isaga oo hadalkiisa siiwata."dadka shacabk ahi golaha waa eedayn karaan,lakiin hadalada aflagaadada u muuqda ee golaha loo gaystaa wax loo dulqaadan karo maaha ama siyaasi ha noqdo ama xildhibaano ha noqdee,golahan cidi makala diri karto,waxaana lagu kala diri karaa afti qaran.
Xildhibaan Xaamud ayaa golaha wakiiladu inuu Yimaado waxa laga mamnuucay muddo ku kooban shan iyo toban cisho isla markaasina Aanu ka soo qayb galin fadhiyadda ay leeyihiin golaha wakiiladda somaliland.
Hargaysa:-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ka Waramay Xildhibaan Anshax Marin Lagu Sameeyay -
Guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in golaha wakiiladu Anshax Marin Ku Sameyeen Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal kaas oo ay ku edeyeen inuu Eedo U Soo Jeediyay golaha uu ka tirsan yahay isla markaasina