Hargaysa:-Xildhibaanka Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Si Adag Uga Hadlay Xukunka Boqor Buurmadow Ku DHacay Maanta

0
Thursday April 26, 2018 - 18:57:11 in by salman abdi
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Xildhibaanka Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Si Adag Uga Hadlay Xukunka Boqor Buurmadow Ku DHacay Maanta

    Xildhibaan Ibraahin Caraale Cabdi{Ruush} Oo Ka Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw Isaga Oo Xildhibaanku Tilmaamay In Madaxbanaanida Soomaliland Iyo Ta Garoosrkaba Ay Ku Xuntahay Xukunka Boqor Buurmadaw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ibraahin Caraale Cabdi{Ruush} Oo Ka Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadaw Isaga Oo Xildhibaanku Tilmaamay In Madaxbanaanida Soomaliland Iyo Ta Garoosrkaba Ay Ku Xuntahay Xukunka Boqor Buurmadaw
Xildhibaan Ibraahin Caraale Cabdi Oo Kamida Golaha Wakiilada Oo Ayaamo Ka Hor Damiin Ahaan Boqor Buurmadaw Loogu Sii Daayay Ayaa Isaga Oo Maanta Goob Joog Ka Ahaa Xukunka Maxakamda Gobalka Maroodijeex Ayaa Idaacada BBC Usheegay In Aan Boqorka Loo Ogolaan Inuu Isdifaaco Waxaana Hadal Kooban Oo Xildhibaan Ibraahin Caraale Cabdi{Ruush} Bbcda Usheegay Uu Yidhi

 

Xalay Ayaa Layla Soo Hadlay Oo Lay Yidhi Keen Boqor Buurmadaw Oo Aad Damiinatay Kiiskisi Aroorta Ayuu Furmayaaaye Waan Tagnay Saaka Kiiska In Hore Loosii Dhameeyay Ayuu U Muuqday
Garsooraha Xukumay Boqorka Maalintii Hore Ee Aan Damiinayay Boqor Buurmadaw Ayay Is Afdhaafeen Boqorku Warqad Ayuu Qoray Wuxuu Codsaday In Garsooraha Laga Bedello Oo Aanu Cadaalada Ka Shaqaynayn Laakiin Waa Laga Diiday Sidii Ayaanu Maanta Ku Xukumay Garsoorahaasi Boqor Buurmadaw

Nususaac Ma Dhamayn Kiiska Boqorka Inta Lagu Dhameeyay Xukun Ayaa Markiiba Lagu Riday Ciidamadana La Wareega La Yidhi Lama Ogolaan Qareen Inuu Qabsado
Xukumada Waxaan Ugu Baaqaya In Kiiskaas La Saxo Oo Ay Garsoorka Ku Daba Gasho

Ma Difaacayo Anigu Boqorka Haduu Danbi Gallana Waa Muwaadin Laakiin Maanta Anaa Goob Joog Ahaa Qayral Sharci Ayaa Lagu Xukumay Boqor Cismaan .

Sadex Dhar Dhaar Ayaa Qaranku Ku Dhisan Yahay Waa Cadaalad Xukumada Iyo Baarlamaanka Anoo Kamida Baarlamaanka Sharacigii Waa La Baalmaray

 

" Waxa Maanta Dhacay Waa wax aan ku fiicnayn dowladnimada iyo madax-bannaanida garsoorka Somaliland, isla markaana aan loo ogolaan boqorka inuu is difaaco Waana Ka Xun Ahay Xukunka Dhacay Ee Boqorka La Xukumay.

 

Xildhibaan Ibraahin Caraale Cabdi {Ruush} Ayaa Ah Xildhibaanka Kaliya Ee Kamida Baarlamaanka Soomaliland Ee Sida Weyn Ula Socday Kolba Xaalada Xadhiga Iyo Xukunka Boqor Cismaan Buurmadaw