Puntland:-Madaxwayne Gaas Oo Ku Balan Furay Soomaliya Iyo Imaraadka Oo Uu La Kulmay
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay shir jaraa'iid ku qabtay magaalada Dubai ee dalka imaaraadka oo uu safar rasmi ah ku joogo
ayaa sheegay in xiisada ka dhex aloosan Dowlada Federaalka iyo Imaaraadka aysan saameyn ku yeelan doonin mashaariicda horumarinta ee ka socda gobalada Puntland.
ayaa sheegay in xiisada ka dhex aloosan Dowlada Federaalka iyo Imaaraadka aysan saameyn ku yeelan doonin mashaariicda horumarinta ee ka socda gobalada Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in la hirgelin doono mashruuca Dekadda Bosaaso oo ay maalgelineyso shirkada P&O oo ay leedahay shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Wuxuu sidoo kale sheegay in lasii wadi doono mashruucii UAE ay ku taageeri jirtay ciidamada Badda ee Puntland.
Gaas ayaa sheegay in dalka Soomaaliya u baahan yahay mashaariicda horumarinta oo aysan wax walba ku xirneyn xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dalka Soomaaliya uusan ahayn Muqdisho oo kaliya.
Mar uu ka hadlayey mashaariicda Imaaraatigu ka wado Puntland ayuu Madaxweyne Gaas yiri "… Ma jiro hogaamiye caqli saliim ah ku shaqeenaya ee ka horimaanaya mashaariicda horumarinta dalka, dhalinyaradeena waxay ugu biirayaan Daacish, Al Shabaab iyo burcad badeedka waa iyagoo waayey fursado ay dalkooda uga shaqeystaan..”
Wuxuu hogaamiyaha Puntland sidoo kale sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya aysan xiligan awood ullahayn inay kabto dhamaan baahida ka jirta dalka Soomaaliya, isla markaana horumarinta Puntland iyo maalgashiga dalka u baahan yahay aan lagu xiri karin arrimo siyaasadeed oo wakhti kooban soconaya, isagoo sheegay inuu filayo in xiisadaha hada jira ay yihiin caqabado xal loo helayo oo laga gudbi doono.