Hargeisa:-"Guddida Doorashooyinka Waa In La Kala Diraa" Xisbiga Waddani Oo Markale Ku Baaqay In La Kala Diro Komishanka +Arimaha Soo Kordhay.

0
Tuesday May 01, 2018 - 11:05:52 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-"Guddida Doorashooyinka Waa In La Kala Diraa" Xisbiga Waddani Oo Markale Ku Baaqay In La Kala Diro Komishanka +Arimaha Soo Kordhay.

    Hargeisa-Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Dalku Marayo Maanta Iyo Tallooyin Uu Bixiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Dalku Marayo Maanta Iyo Tallooyin Uu Bixiyey.

-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed,oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani ayaa eeddo culus u soo jeediyey Komishanka Doorashooyinka,waxaanu ku taliyey in la kala diro madaama uu sheegay in Doorasho dambe lagu aamini karin . Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Madaxweynaha ugu baaqay inuu kala diro Guurtida,Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka,waxa kale oo uu ka hadlay shidaalka xun ee dalka la soo geliyay.


Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Komishanka doorashooyinka "Komishanka muddo kala garan waayey cida xaqa ku leh booska banaanaday, waa in la kala diraa,maxaa yeelay in la isku qabsado oo booskan banaanaday murankiisa iyo buuqiisu bato oo sii jiitamo may ahayn,in liiska kaydka ah sida loo kala horeeyo loo soo galo ayey ahayd,inkasta oo la sheegay inay Xukuumaddu faragelin ku haysay,,oo Xuseen Axmed Caydiid oo ah nin adag ayey Xukuumaddu ka dagaalamaysa inuu Barlamaanka soo galo,markaas Komishanka kala saari waayey muddo dheer laba qof Doorasho dambe laguma aaminayo ee waa in la kala diraa oo ay dadka dhaafan”. Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Guurtida iyo Wakiilada ayaa yidhi "Guurtidii,Wakiiladii iyo Golayaashii Deegaanku sharci daro iyo muddo dhaaf ayey kuraasta ku fadhiyaan,oo kuraastii qaranka ayey dhaxaltooyo ka dhigteen mushahar xaaraanana wey qaateen ee waa inuu Madaxweynuhu kala diraa oo dagreeto uu ku kala dirayo soo saara”. Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Shidaalka xun ee dalka la keenay ayaa yidhi "Baabuurtii wey qaribmeen,Shidaal xun oo xabaga oo Jaban ayey soo iibsadeen dadkan Haamaha lagu wareejiyey,dadka keenay Shidaalkan xuna waa in la xidhxidhaa oo jeelka loo taxaaba,sharcigana la mariyaa,Madaxweynahana waxaan leeyahay waa in Haamaha Shidaalka gacanta Dawladda lagu soo caliyaa,marka horeba may ahayn in gacanta Dawladda laga wareejiyo Haamaha Shidaalka,oo gacanta loo galiyo dadkaas keenay shidaalka xun ee sababay in ishiinadii Gawaadhidu duqeeyaan ama xumadaan”.