Riyaad:-Maraykanka, Shiinaha Iyo Sacudiga Oo Noqday Dalalka Ugu Qarashka Badan Dhinaca Millatariga

0
Thursday May 03, 2018 - 10:28:08 in by salman abdi
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Riyaad:-Maraykanka, Shiinaha Iyo Sacudiga Oo Noqday Dalalka Ugu Qarashka Badan Dhinaca Millatariga

    Dhaqaalaha lagu bixiyo milatariga caalamka ayaa sare u kacii ugu sareeyay gaaray sanadkii 2017 tan iyo markii dagaalkii qaboobaa dunida uu dhamaaday,iyadoo dalalka Maraykanka,Shiinaha iyo Sacudi Carabiya ay noqdeen dalalka ugu badan ee geliya dhaqaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqaalaha lagu bixiyo milatariga caalamka ayaa sare u kacii ugu sareeyay gaaray sanadkii 2017 tan iyo markii dagaalkii qaboobaa dunida uu dhamaaday,iyadoo dalalka Maraykanka,Shiinaha iyo Sacudi Carabiya ay noqdeen dalalka ugu badan ee geliya dhaqaale milatariga dalalkooda.



Warbixin ay soo saartay hay’ad Cilmi-baaris oo fadhigeedu yahay dalka Sweden(SIPRI), ayaa lagu sheegay in guud ahaan dhaqaale gaaraya $1.73tn lagu qarash gareeyay milatariga sanadkii 2017 taasoo 1.1 boqolkiiba ay ka badan tahay sanadkii ka sii horeeyay.

Maraykanka ayaa ah dalka ugu qarashgareynta badan dhinaca ciidamada iyadoo ay ku bixisay lacag gaareysa $610bn, waxayna tahay boqolkiiba 35 guud ahaan qarashka lagu bixiyo caalamka ciidamada Milatariga. Sidoo kale qiimaha Maraykanka uu ku bixiyo ciidamada ayaa ka badan badan toddobada dal ee ku xiga marka la isku wada daro.

Dalka Shiinaha oo ah wadanka labaad ayaa waxaa uu qarash gareeyay ciidamada lacag gaareysa $228bn, halka wadanka saddexaad uu yahay Boqortooyada Sacudi Carabiya oo kaalintan kala baxday dalka Ruushka waxayna gaareysaa lacagta ay qarash gareysay boqortooyada $69.4bn sanadkii 2017.

Iyadoo sare u kac uu ku yimid guud ahaan dhaqaalaha lagu bixiyo ciidamada ayaa hase yeeshee warbixintan waxaa lagu sheegay in dalka Ruushka ay hoos u dhacday qarashkii ugaga bixi jirey ciidamada boqolkiiba labaatan.

Wadamada kale ee ugu qarashka badan dhinaca ciidamada ayaa waxaa ka mid ah dalka Hindiya ay ka gashay kaalinta shanaad iyadoo hore dalka Faransiiska uu kaalintaa ugu jirey waxayna qarash gareysay lacag dhan $64bn. France ($57.8), the UK ($47.2bn), Japan ($45.4bn), Germany ($44.3bn) iyo South Korea ($39.2bn).

Hay’ada SIPRI ayaa waxa ay tixgelisay oo qiimeynteeda ku salaysay mushaarka ciidamada,qarashka howlgalada,iibka hubka iyo weliba wax walba oo ay ciidamada u baahan yihiin.