Hargeysa:Hantidhawraha Guud ee Qaranka Oo Ku Ganac Saydhay Tallaabo uuWasiirka Maaliyaddu Ku Baalmaray Miisaaniyaddii Golaha Wakiilladu Ansixiyeen

0
Friday May 04, 2018 - 16:02:51 in by salman abdi
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:Hantidhawraha Guud ee Qaranka Oo Ku Ganac Saydhay Tallaabo uuWasiirka Maaliyaddu Ku Baalmaray Miisaaniyaddii Golaha Wakiilladu Ansixiyeen

    Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Ismaaciil ayaa aan illaa hada dhaqan galinin qodob dastuuri ah kaas ah ku shaqaynta miisaaniyaddii uu dhawaan golaha wakiilada ansixiyay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Ismaaciil ayaa aan illaa hada dhaqan galinin qodob dastuuri ah kaas ah ku shaqaynta miisaaniyaddii uu dhawaan golaha wakiilada ansixiyay, Wasiirka maaliyada ayaa waxaa uu wasaaraddaha iyo hayadaha madaxbanaan u qoray lacag aan ahayn tan ugu jirta miisaaniyada, waxaana talaabadan hor istaagay hanta-dhowraha guud ee qaranka Mudane Axmed Yuusuf Dirir oo ah illaaliyaha u xilsaaran hantida Ummaddan Somaliland. 

Talaabadan ayaa waxaa ay keentay markii uu Wasiirku ku dhaqmay in aanu raacin go,aanka Golaha wakiilada Somaliland in xataa la joojiyo Musharkii Ciidamada iyo Shaqaalaha waxaa kala oo hakad la galiyay in wax qarash ahi ay ka baxaan Baanka dawladda Lama oga in Madaxwayne Muuse Biixi ogyahay talaabadan dastuur jabinta ah ee uu qaaday wasiirkiisa maaliyadu iyo in kale wallow ay jiraan dhaqdhaqaaq xoogan oo ay madaxtooyadu ku daba-galayso hay’adaha hoos taga. 

Wasiirka wasaaradda maaliyada ayaa haddii uu talaabadan ku sii adkaysto noqon doono wasiirkii ugu horeeyay ee isticmaala lacag aan Odoraskeeda aanay ogayn golaha sharci dajinta Waddankani. Hanti dhowraha guud ee qaranka Mudane Axmed Yuusuf Dirir oo aanu isku daynay in aan arrinkan wax ka waydiino ayaanay noo suurtogalin maadaama aanu naga qaan talefoonkiisa gacanta. 

Geesta kale waxaanu la xidhiidhnay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Daa,uud si aanu xaqiijinta in aan la isticmaalin miisaaniyadii Golahu ansixiyeen iyo in kale balse dhowr jeer oo aan la xidhiidhnay ayaanu ka jawaabin tilifoonka. 

Xogaha kala duwan ee ku saabsan in wasiirku uu bilaabay isticmaalka qarash aan ku jirin miisaaniyada ayaa waxaa noo xaqiijiyay qaar ka mid ah howl-waddeenada kala duwan ee ka howl gala wasaaradda maaliyada iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Hanti-dhowraha guud.