Maraykanka:-Madaxwayne Ka Mida Kuwii Soo Maray Markaynka Oo Xanuunsan Iyo Sida Loo Haleelay
Afhayeenka Buushka weyn Jim Mc Grath ayaa wuxuu sheegay "inuu dhakhtarkiisu natiijada uu ka soo saaray baadhitaanka iyo daweynta uu u sameyey uu ku sheegay uu aad u fiicnaa aadna uu ugu faraxsan yahay isaga oo caafimaad qaba inuu gurigiisa ku noqdo".
Madaxweyne Buushka weyn oo 93 jir ah ku dhawaad laba toddobaad wuxuu yaallay Isbitaalka Houston Methodist oo ku yaalla texas.
Isaga oo isbitalka un la dhigay maalma un kaddib marki xaaskiisa Barbara ay geeriyootay.
Bush oo ah madaxweynaha ugu da'da wayn madaxweyneyaashii hore ee nool ayaa wuxu dalka ka talinayey intii u dhexeysay 1989-1993.
Madaxweyne Bush inankiisa Goerge W Bush ayaa isna loo doortay madaxweynaha dalka sannadkii 2000 waxaanu xilkaa hayey laba goor oo isku xiga oo uu noqday madaxweynihii 43 aad ee soo mara dalka.
Bush-ka weyni wuxu ku dhashay 12 June 1924 gobolka Massachusetts waxaanu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin xildhibaan congress-ka ah, agaasimaha hay'adda sirdoonka ee CIA iyo madaxweyne ku xigeen oo uu u noqday Ronald Reagan.
Maraykanka:-Madaxwayne Ka Mida Kuwii Soo Maray Markaynka Oo Xanuunsan Iyo Sida Loo Haleelay
Madaxweynihi hore George H W Bush ayaa Isbitaal ka soo baxay kaddib marki uu 12 maalmood Isbitaalka yaallay,isaga oo laga helay caabuqa dhiigga.