Burco:-Qaar Ka Mid Ah Buundooyinka Isku Xidha Gobolada Togdheer Iyo Sool Oo Qarka U Saaran In Ay Go,aan+SHacabka Oo Fariin U Diray Madaxweynaha.

0
Saturday May 05, 2018 - 16:19:28 in by salman abdi
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco:-Qaar Ka Mid Ah Buundooyinka Isku Xidha Gobolada Togdheer Iyo Sool Oo Qarka U Saaran In Ay Go,aan+SHacabka Oo Fariin U Diray Madaxweynaha.

    Burco:-Qaar Ka Mid Ah Buundooyinka Isku Xidha Gobolada Togdheer Iyo Sool Oo Qarka U Saaran In Ay Go,aan+SHacabka Oo Fariin U Diray Madaxweynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco:-Qaar Ka Mid Ah Buundooyinka Isku Xidha Gobolada Togdheer Iyo Sool Oo Qarka U Saaran In Ay Go,aan+SHacabka Oo Fariin U Diray Madaxweynaha.
Kadib Markii Dhowaan Raxmaadka Eebe Ka Curteen Gobolada Somaliland,Waxay Daadadkii Soo Rogmaday Waxyeelo U Geysteen Jidka Weyn Ee Halbawlaha U Ah, Isu Socodka Gobolada Togdheer Sool Iyo Saraar,Waxaanay Biyahaasi,Gooyeen Buundooyinka Mara Laamiga Dheer Ee Isku Xidha Gobolada Bariga Somaliland,Halkaas Oo Ay Ku Cadiban Yihiin Gaadiidka Noocyadiisa Kala Duwan Iyo Rakaabkii Saarnaaba

Qaar Kamida Bundooyinka Ku Yaala Laamiga Mara Degmada Qoryaale,Beer,Iyo Sidoo Kale Magaalo Yar Ayaa Qarka U Saaran Inay Biyuhu Qaadaan,Kadib Markii Daadadku Waxyeeleeyeen Bundooyinkaasi Qaarkoodna Ay Go,en, Hadaba Dhawaaqa Iyo Qaylo Dhaanta Kasoo Yeedhaysa Gaadiidleyda Marta Jidka Isku Xidha Gobolada Bariga Iyo Galbeedka Somaliland,Ayaa Ah Mid Aan La Dhayal San Karin,Taas Oo Keeni Karta Khasaare Balaadhan Oo Soo Gaadha Jidka Dheer Ee Halbawlaha Ah Iyo Rakaabka Mara Wadooyinkaasi Oo Wakhti Badani Kaga Lumo Sidii Ay Uga Talaabi Lahaayeen Buundooyinkaasi Go,an Oo Qaarkood Khatar Gelin Kara Nafahooda,

 


Haayada Wadooyinka Somaliland iyo wasaarada horumarinta Jidadka Somaliland Ayaan Wax Wara Ka Hayn Khasaaraha ay daadadku ugaysteen jidadkaasi, Halka ay Masuuliyiintii Loo Magacaabay Haayadaasi Ay Soo Dhaafi La,yihiin Magaalada Hargeisa Ee Caasimada Somaliland,

Jidka Dheer ee isku xidha Gobolada Somaliland Iyo GoboladaPuntland oo muhiim u ah isusocodka Gaadiidka ganacsiga Iyo Dadka Isaga Kala Goosha Somaliya Iyo Somaliland Ayaan sanado badan helin wax dayactira, taasi oo sababtay inay biyuhu dumiyaan Buundooyin badan qaarkoodna qarka usaaran yihiin inay dumaan, gaar ahaan inta udhexeysa Burco iyo Laascaanood ayaa laamaha dawlada somaliland ee uxilsaaran horumarinta Jidadka Aanay waxba Ka qaban, marka loo eego sida waqti kasta hayada wadooyinka udayactirayso Jidka Udhexeeya inta udhexeysa berbera ilaa wajaale.

si kastaba xaalku ha ahaadee waxa cabsi weyni lasoo deristay Dadka mara Jidkaasi Dheer ee qaarkamida buundooyinkiisa ay biyuhu qaadeen hadii aanay si degdega wax uga qaban hayada wadooyinka iyo wasaarada qaabilsan jidadka waxa khatar geli karta nafo badan iyo inay sii bataan Buundooyinka ay biyuhu qaadayaan.

Image may contain: tree, outdoor and nature
Image may contain: outdoor
Image may contain: outdoor
Image may contain: plant and outdoor