Hargaysa:Maanta Oo Dib Loo Horgaynayo Maxkamada Boqor Buurmadaw Iyo Waxyabaha Soo Kordhay

0
Sunday May 06, 2018 - 09:00:59 in by salman abdi
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Maanta Oo Dib Loo Horgaynayo Maxkamada Boqor Buurmadaw Iyo Waxyabaha Soo Kordhay

    Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow ayaa Racfaan ka qaatay xukun shan sanno oo ah oo ay dhawaan ku ridday maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow ayaa Racfaan ka qaatay xukun shan sanno oo ah oo ay dhawaan ku ridday maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa.


Racfaanka uu qaadatay Boqor Buurmadoow ayaa la dhegeysanayaa 8-da bishan May, sida uu sheegay madaxa hay’adda xuquuqul Insaanka Somaliland Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac Dafac.

Boqor Buurmadoow ayaa la xidhay kaddib markii lagu eedeeyay in uu hadal ka jeediyay degaanka Carmo ee maamul gobolleedka Puntland, halkaas oo lagu caleema saarrayay mid ka mid ah Beeldaajiyayaasha degaanka.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedeysay Buur Madoow in uu ku xadgudbay sheegashada madaxbanaanida Somaliland maaddaama uu baaq u diray Somaliland iyo Puntland isaga oo ugu baaqayay in ay kala qaadaan ciidamada isku horfadhiya deegaanka Tukarraq ee gobolka Sool.