Muqdisho:-Nin Qudha Ka Jaray Afar Qof Oo Midii Xaaskiisa Ahayd Iyo Sababta Ku Kaliftay.

0
Sunday May 06, 2018 - 09:11:30 in by salman abdi
  • Visits: 671
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Nin Qudha Ka Jaray Afar Qof Oo Midii Xaaskiisa Ahayd Iyo Sababta Ku Kaliftay.

    Nin ku hubeysan qoriga Ak-47 ayaa ku diley afar ruux oo mid ka mid ah ay ahayd xaaskiisa halka saddexda kalana ay qaraabo ahaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin ku hubeysan qoriga Ak-47 ayaa ku diley afar ruux oo mid ka mid ah ay ahayd xaaskiisa halka saddexda kalana ay qaraabo ahaayeen.



Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in falka dilkan oo ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka warshadii hore ee sifeynta Batroolka in ninkii dilka geysey uu isagana isdiley kadib markii uu hubsaday inay dhinteen afarta ruux ee uu rasaasta ku furay.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay falkan oo ah mid ugub ku ah dalka Soomaaliya oo aan badanaa hore uga dhicin.

Sarkaal ka tirsan Maamulka degmada Wadajir ayaa saxaafada u xaqijiiyay falkan waxana uu sheegay in baaritaan ku sameyn doonaan sababta keentay falkan naxdinta leh.

Ninka la sheegay inuu falka dilka ah ka dambeeyay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Caddaan, halka dadka uu diley ay kala ahaayeen Xaawo Maxamuud Caddaan oo ah Walaashiis, C/llaahi Maxamed Yalaxow iyo Maxamed Tuur-yare oo ay ilmo adeer ahaayeen iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabi jirey Xaliimo Xuseen Cali Kowshe.