Pakistan:Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan oo la Toogtay iyo dhaawaca Gaadhay

0
Monday May 07, 2018 - 08:04:45 in by salman abdi
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pakistan:Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan oo la Toogtay iyo dhaawaca Gaadhay

    Nin hubeysan ayaa toogtay oo dhaawacay wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan Axsan Iqbal isaga oo booqasho ku marayey goob doorasha ku taallo koonfur bari ee Magaalada Narowal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin hubeysan ayaa toogtay oo dhaawacay wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan Axsan Iqbal isaga oo booqasho ku marayey goob doorasha ku taallo koonfur bari ee Magaalada Narowal.


Mr Iqbal ayaa wuxuu ka qayb galayey dibad bax laga sameeynayay Punjab rasaaseyn halkaa loo geystayna uu gacanta dhaawac ka soo gaaray.

Saraakiisha amniga Pakistan ayaa waxay sheegeen iney nin dabley ah uu wasiirka weeraray gacanta lagu hayo oo su'aala la weydiinayo.

Dalka Pakistaan waxay doorashada guud ka dhaceysaa 15-ka bisha July.

Mr Iqbal waa xubin sare oo katirsan xisbiga talada dalka Pakista haya ee PML.

Iqbal Xasan wasiirka arrimaha gudaha Pakistan

Toogashada sideey u dhacday?

Masuul sare oo dowladda Pakistan ka tirsan oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa wuxuu sheegay in xilliga wasiirka la tooganayey uu ka soo noqonayey kulan uu la yeeshay bulsho diinta kirshtanka aaminsan.

"ma hubno inuu ninka weerarka geystay u dan lahaa inuu kulankaa ka hor yimaaddo" waxayna ila wareedyadu sheegayaan "wax walba baaritaanka kaddib in la ogaanayo"

Mr Iqbal wuxuu dhaawaca ka soo gaaray gacanta midig, sida uu afhayeenka maamulka Punjab uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Waa kuma qofka weerarka geystay?

Warbaahinta dalka Pakistan ninka weerarka geystay waxay ku sheegeen Abid Hussein oo 21 jir ah.

Sida ay sheegeyso wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeyso xogta booliska ka soo baxday ayaa waxay sheegtay inuu ninkani xiriir la leeyahay ururka Islaamiga ah ee Tehreek-i-Labaik Ya Rasool Allah.

Warmurtiyeed uu soo saaray xisbiga talada haya ayaa wuxuu sheegayaa iney weerarka wasiir Iqbal loo geystay aad u cambaareynayaan taageerayaashoodana ugu baaqay iney wax tallaabbo ah qadin.

Maxay tahay jawaabta weerarkaasi laga bixiyey?

Ra'isal wasaare Shahid Khaqan Abbasi "oo si weyn u cambaareeyey" ayaa booliska gobolka Punjab ugu baaqay iney weerarkasi si degdeg ah u baaraan war cadna ay ka soo saaraan.

Hoggaamiyaha mucaaradka Sayid Khursheed Shah ayaa wuxuu sheegay "iney dhacdadan ay tahay mid su'aal ku abuureyso xaaladda amniga guud ee dalka" isaga oo intaa ku daray in loo baahan yahay in la adkeeyo ammaanka doorashada dalka ka dhaceyso.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Pakistan, David Hale ayaa wuxuu cambaareeyey weerarka isaga oo u rajeeyey inuu degdeg uu dhaawaca uga sii kabto.


Xigasho BBC Somali