Russia:Vladimir Putin oo xilka loo dhaarinayo markii afraad

0
Monday May 07, 2018 - 08:53:00 in by salman abdi
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Russia:Vladimir Putin oo xilka loo dhaarinayo markii afraad

    Vladimir Putin ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Ruushka loo dhaariyo markii Afraad Isniinta, ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii u dambaysay ee dhacday bishii Maarso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Vladimir Putin ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Ruushka loo dhaariyo markii Afraad Isniinta, ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii u dambaysay ee dhacday bishii Maarso.


Awoodda ayuu soo hayay 18 sano isagoo marna madaxweyne ahaa marna ra'iisulwasaare, dadka dhaliishanna waxay ku tilmaameen boqor.

Booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa wadooyinka la dhigay si ay u xakameeyaan dadka ka soo horjeeda xukunkiisa oo isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Moscow iyo kuwo kale Sabtidii.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay dagenaansho la'aan dhacdo Isniinta marka uu xilka la wareegayo.

Waxay u badan tahay in caleemo saarka oo Kremlin-ka ka dhacaya uu ka hoosayn doono midkii 2012kii, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaa la filayaa in Putin uu la kulmo dad mutadawiciin ah oo ka qaybqaatay ol'olihiisa doorashada.

Maxay dadku u mudaaharaadayaan?

In kabadan 1,000 ruux ayaa lagu xiray 19 magaalo oo Ruushka ku yaalla Sabtidii, ku dhawaad kala bar dadkaas ka mid ahna waxaa laga qaqabtay magaalada Moscow.

Putin ayaa ku guulaystay 76% codadkii la dhiibtay, waanana guushii ugu waynayd ee uu doorasho ka gaaro, laakiin korjoogtadii caalamiga ahayd ayaa sheegtay in ay dhacday wax isdabomarin badan. Doorashooyinkii hore ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay wax isdabomarin badan dhacday.

Ninka ugu caansan mucaaradka dalkaas Alexei Navalny ayaa laga horistaagay in uu Putin la tartamo waxaana lagu eedeeyay wax isdabomarin, balse wuu diiday eedaymahaas wuxuuna sheegay in la siyaasadaynayo.

Navalny ayaa wakhti kooban la xiray Sabtidii ka dib markii uu isku dayay in uu ka qaybqaato dibadbax ka dhacayay Moscow.


Xigasho BBC Somali