Koonfurta Suudaan:-Madaxwaynaha Koonfurta Suudaan Oo Ku Xigeenkiisi Oo Hore Duldhigay Digniino Adag

0
Tuesday May 08, 2018 - 09:20:00 in by salman abdi
  • Visits: 511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koonfurta Suudaan:-Madaxwaynaha Koonfurta Suudaan Oo Ku Xigeenkiisi Oo Hore Duldhigay Digniino Adag

    Madaxweynaha dalka Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ayaa ugu baaqay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi isla markaana hadda ah hoggaamiyaha fallaagada Riek Machar in uu ku soo laabto dalkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ayaa ugu baaqay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi isla markaana hadda ah hoggaamiyaha fallaagada Riek Machar in uu ku soo laabto dalkiisa.



Kiir ayaa sheegay in uu ballan qaadayo amniga iyo badqabka Machar, waxa uuna arrintaasi ku tilmaamay mid niyad wanaag iyo iscafin ku dhisan.

Afhayeen u hadlay dowladda Kiir ayaa sheegay in Macahar ay tahay in uu cambaareeyo isla markaana uu faraha kala baxo rabshadaha uuna dalkiisa ku laabto isaga oo ah qof muwaadin caadi ah.

Haseyeeshe weriyeyaasha ayaa sheegaya in ay adag tahay in Machar uu dalkaasi ku soo laabto mustaqbalka dhow.

Tan iyo markii labadani nin ay isku dheceen dhammaadkii sanadkii 2013 ayaa waxaa colaadda dalkaasi ku dhintay kumannaan qof halka in ka badan 4,000,000 oo qof ay guryahooda ka barakeceen.

Sidoo kale waxaa dhawr jeer oo hore burburay heshiisyo la doonayay in lagu soo afjaro colaadda dalkaasi.