Hargeisa:-Xukuumadda Oo Qaraar Adag Ka Soo Saartay Waddamada Dhuxusha Loo Dhoofiyo Iyo Shir-Weyne La Qabtay.

0
Tuesday May 08, 2018 - 15:55:55 in by salman abdi
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Xukuumadda Oo Qaraar Adag Ka Soo Saartay Waddamada Dhuxusha Loo Dhoofiyo Iyo Shir-Weyne La Qabtay.

    Hargeisa:-Xukuumadda Oo Qaraar Adag Ka Soo Saartay Waddamada Dhuxusha Loo Dhoofiyo Iyo Shir-Weyne La Qabtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Xukuumadda Oo Qaraar Adag Ka Soo Saartay Waddamada Dhuxusha Loo Dhoofiyo Iyo Shir-Weyne La Qabtay. Shirweynahan oo wada jir ay isaga kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adda Qaramada Midoobey sida UNDP iyo FOA ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin ka hortaga xaalufinta dhirta, Dhoofinta iyo ganacsiga dhuxusho oo marar badan oo hore digniinno laga soo saaray. Gaar ahaan shirka ayaa diirada saaraya bal in la heli karo wax kale oo badali kara dhuxusha oo ay dadku u adeegsadaan nolal maalmeedkooda caadiga si looga meesha looga saaro jarista dhirta iyo xitaa marka dhinaca kale la eego ka ganacsiga dhuxusha.


Daraasad la sameeyay ayaa lagu sheegay in 30kii Ilbiriqsi gudaha dalka Soomaaliya la jaro hal geed si dhuxul looga shido, waxaana inta badan dhuxushaa loo iibgeeyaa dalalka Carabta. "Waxaan u baahanahay in aan u wajahno si dhab ah arrimaha dhuxusha Soomaaliya, dalabka iyo daabulka waa in wax laga qabtaa labadaba, si ay taas u suurtogasho waxaan u baahanahay iskaashi in la fuliyo qaraaradii Golaha Amaanka , lana hubiyo in laga hortago qasaaraha deegaanka , dhaqaalaha iyo dadkaba gaaraya" ayuu yiri ra’iisal wasaare ku-xigeenka oo shirkan furay. Dhoofinta dhuxusha gudaha dalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2012kii noqotay mid soo jiidatay idhaha beesha caalamka kaddib markii Qaramada Midoobey sheegtay in Ururka Al-shabaab dhaqaale faro badan ka helo si taa looga hortagana waxaa ay Qaramada Midoobey ku dhawaaqday in la mamnuucay. Sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 8.2 milyan oo geed la jaray Soomaaliya intii u dhaxaysay 2011-kii illaa 2017-kii, iyada oo dhoofka dhuxusha sanad kasta laga sameeyo malaayiin doolar. Warbixinno is-dabo-joog ah oo sanadihii la soo dhaafay uu soo saarayay guddiga kormeerka cunaqabataynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland oo kaashanaya ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM si xowli ah uga wadaan Kismaayo dhuufinta dhuxusha oo loo iibgeeyo wadamo ku yaala Khaliijka. Hadaba shir-weynahan maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa la oran karaa waa mid faa’iido weyn u yeelan kara bilicda deegaanka iyo ka hortaga nabaad-guurka, haddii dhinacyada ka qeybgalaya isla gartaan fulinta qodobada laga wada hadlayo.