Congo:-Cudurka Ebola Oo Mar Kale Ka Dillaacay Qaaradda Afrika

0
Wednesday May 09, 2018 - 09:37:14 in by salman abdi
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Congo:-Cudurka Ebola Oo Mar Kale Ka Dillaacay Qaaradda Afrika

    Dowlada Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo ayaa ku dhawaaqday inuu dalkeeda mar kale ka dillaacay cudurka Ebola.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo ayaa ku dhawaaqday inuu dalkeeda mar kale ka dillaacay cudurka Ebola.



17 ruux oo dhawaan dalkaasi ku geeriyooday ayay dowladu sheegtay in looga shakiyay kiisas la xiriira caabuqa Ebola. Laba ka mid ah dadka dhintay ayaa la xaqiijiyay in uu cudurkani dilay,

Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa Talaadadi shalay sheegtay in Congo uu haleelay cudurka Ebola, sidaasi daraadeedna ay hal milyan oo doolar oo deg deg ah ku tabarucday si ay ugu caawiso gagrgaar deg deg ah.

WHO waxay sheegtay in shanti todobaad ee lasoo dhaafay laga helay dalkaasi kiisaska 21 ruux deegaanka Bikoro ee gobolka Equateur.

Marki ugu danbeysay ee uu cudurkani ka dillaacay Congo ayay aheyd sanadki 2017-ki. Waa marki sagaalaad oo uu cudurka Ebola ka dillaacayo aduunka tan iyo marki ugu horreysay ee la ogaado sanadki 1976-ki.