Israa'iil:-Dawlada Israa'iil Oo Heegan Culus Ka Gashay Buuraha Golan Heights Iyo Sababta

0
Wednesday May 09, 2018 - 09:39:19 in by salman abdi
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israa'iil:-Dawlada Israa'iil Oo Heegan Culus Ka Gashay Buuraha Golan Heights Iyo Sababta

    Isra'iil oo heegan ka gashay buuraha Golan Heights kaddib "dhaqdhaqaaqa aan caadiga ahayn" ee ay Iiraan ka waddo Suuriya awgeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isra'iil oo heegan ka gashay buuraha Golan Heights kaddib "dhaqdhaqaaqa aan caadiga ahayn" ee ay Iiraan ka waddo Suuriya awgeed.



Ciidamada Isra’iil ayaa digniin ka bixiyey "dhaqdhaqaaqa aan caadiga ahayn iney iiraan ka waddo Suuriya dadka ku nool deegaannada ku teedsan buuraha Golan Heights ay amar ku siiyeen iney diyaarsadaan hoyga bamka looga hortago.

Ciidamadu waxay intaa ku dareen iney iisu diyaariyeen xaalad kasta oo halkaa ka timaaddo.

Afhayeenka ciidanka Israa’iil Jonathan Conricus ayaa wuxuu sheegay "weerar kasta oo uga yimaadda dhinaca Iiraan iney jawaabta ku habboon ay Isra’iil ka bixineyso.”

Digniinta Iiraan ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli uu madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay inuu Mareykanka ka baxay heshiiska caalamiga ahaa ee ku saabsanaa arrimaha niyuukilarka Iiran.

Ra’isal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa wuxuu isna sheegay "si buuxda iney u taageerayaan” ka bixitaanka Trump ee heshiiska.

Wuxuuna intaa ku daray "heshiisku inuu Iiraan ka joojineyneyn iney bariga dhexe colaad ka abuurto, iyada oo weliba si lama filaan ah u si laba jibbaartay taasoon ka arkeyno bariga dhexe oo dhan.

Ciidamada Israa’iil ayaa waxay ka digeen dhaqdhaqaaqyda aan caadiga ahayn ee ay suuriya ka waddo shacabka ku nool deegaanka buuraha Golan Heights ay isdiyaariyaan nidaamka ay isku difaaci lahaayeenna ay diyaarsadeen.

Warbaahinta Israa’iil ayaa waxay sheegeen amarka ay ciidamada Israa’iil bixiyeen in la diyaarsado hoygi bamka laga geli lahaa inuu yahay kii ugu horreeyey oo Israa’iil ka soo baxa tani iyo inta uu billaawday dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Hase yeeshee Israa’iil ma sheegin iney dagaal qaadeyso iyo inkale, balse waxay sheegtay iney joojineyso waxa ay ku sheegtay "isballaadhinta” ay ciidamada iiraan ka wdaan Suuriya.

Israa’iil ayaa waxay horay u sheegtay iney ururka Xisbullaah ee hubeysan ee ay Iiraan taageerto iney marar badan hub siisay tani iyo marki uu soo billaawday dagaalka suuriya.

Iiraan ayaa waxay garab taagneyd Madaxweyne Asad dagaalka sokeeya ee ka socday suuriya, waxayna suuriya geeysay boqollaal la taliyeyaal ciidankeeda ka mid ah iyo kumannaan miliishiyaad ah oo ay soo tababartay.

Israa’iil buuraha Golan Heights waxay Suuriya ka qabsatay dagaalki llixda maalmood oo dhacay 1967 ee dhexmaray Carabta iyo Israa’iil.