Caalamka:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Maraykanka Oo Booqanaya Kuuriyada Waqooyi+U Jeedada Safarkiisa.
Caalamka:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Maraykanka Oo Booqanaya Kuuriyada Waqooyi+U Jeedada Safarkiisa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mike
Pompeo ayaa booqanaya magaalada Pyongyang ka hor kulanka taariikhiga ah ee ay yeelan doonaan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Pompeo ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu soo gunaanado qabanqaabada wadahadalka ku saabsan soo afjaridda barnaamijka nukliyeerka ee gacanka Korea.
Waxaa kale oo uu sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay samayn doonto sida saxda ah oo ay sii dayn doonto saddexda muwaadin ee Maraykanka ah ee lagu hayo Kuuriyada Waqooyi.
Waa kulankii labaad ee Pompeo uu ku tago Pyongyang, bishii hore ayuuna la kulmay Kim isaga oo markaas ahaa taliyaha hay'adda sirdoonka ee CIA.