Malaysi:-Najib Razaq oo laga mamnuucay in uu ka baxo Malaysia+Sababta Ka Danbaysa.

0
Saturday May 12, 2018 - 08:32:34 in by salman abdi
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Malaysi:-Najib Razaq oo laga mamnuucay in uu ka baxo Malaysia+Sababta Ka Danbaysa.

    Malaysi:-Najib Razaq oo laga mamnuucay in uu ka baxo Malaysia+Sababta Ka Danbaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malaysi:-Najib Razaq oo laga mamnuucay in uu ka baxo Malaysia+Sababta Ka Danbaysa.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razaq iyo xaaskiisa ayaa laga mabnuucay inuu dalka ka dhoofo, waxaana sidaasi shaaciyay laanta socdaalka ee dalkaasi.

Arrinkani ayaa imanaysa ka dib markii Najib Razaq uu sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay doonayaan inay dalxiis u aadeen dibedda.

Isbuucii la soo dhaafay ayay ahayd markii Najib Razaq iyo xisbigiisa Barisan Nasional ay la kulmeen guuldaro naxdin lahayd.

Najiib ayaa lagu eedeeyey inuu lunsaday lacag gaaraysa 700 oo milyan oo doolar, eedaasoo uu isagu diiday.

Maalintii khamiista ahayd ayaa Mahathir Maxamed waxaa loo dhaariyay inuu noqda Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Malaysia, wuxuuna noqonayaa hogaamiyaha caalamka ugu da' weyn.

Dr Mahathir Maxamed ayaa howgabnimadii kasoo laabtay kana adkaaday saaxiibkiisii hore.