Kenya:-"Sharci darro ayaa lagu dhisay biyo-xireenkii dadka badan ay ku dhinteen"

0
Saturday May 12, 2018 - 08:32:34 in by salman abdi
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:-"Sharci darro ayaa lagu dhisay biyo-xireenkii dadka badan ay ku dhinteen"

    Kenya:-"Sharci darro ayaa lagu dhisay biyo-xireenkii dadka badan ay ku dhinteen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya:-"Sharci darro ayaa lagu dhisay biyo-xireenkii dadka badan ay ku dhinteen"

Wakaaladda biyaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in si sharci darro ah loo dhisay biyo-xireen gudaarada jabsaday, kadibna ay ku dhinteen wax ka badan 40 qof.

Biyo-xireenka oo lagu magacaabo Patel ayaa laga dhisay beer ku taala meel 190km u jirta magaalada Nairobi, balse mulkiilaha beertan ayaa beeniyay in wax qalad ah ay sameeyeen.

Afhayeen u hadlay wakaaladda ayaa sheegay in aanan wax ruqsad ah loo haysanin markii la dhisayay biyo-xireenka.

Tirada dhimashada waxa ay hadda gaaraysaa illaa 45 qof, iyada oo ay weli la la'yahay dad ay biyaha la tageen.



DHIMASHADA DAYACA WADOOYINKA KEENYA

Biyo-xireenka ayaa soo jabsaday kadib markii deegaankaas ay ka da'een roobab laxaad leh, waxaana dhacday in uu ku fataho deegaankii u dhowaa, halkaas oo ay degenaayeen dad dan yar ah.

gurmadkaLahaanshaha sawirkaAFP

Vinoj Kumar oo ah maamulaha beerta ayaa sheegay in biyo-xireenka la dhisay 20 sano ka hor, aysana jirin wax sharci darro ah oo la sameeyay.

Illaa 70 kun oo litir oo biyo ah ayaa ku butaacay guryihii ka ag dhawaa, taasna waxa ay sababtay in qasaare xoog leh uu dhashay.

Biyaha ayaa wax kasta burburiyay xitaa iskuuladii, iyada oo dadka qaarkood ay ka warameen hanfariirka ku dhacay markii ay biyaha ku dhufteen. Mid ka mid ah dadka ayaa BBC-da u sheegay in uu geed ku dhagay si uu u badbaado.

Shaqaalaha gargaarka ayaa baadigoobaya raq iyo ruux wixii daadka ka haray, iyaga oo xitaa meydad ka dhex baaraya dhiiqada dhexdeeda.

Beerta Patel ayaa waxaa ka baxa ubaxa iyo bunka, waxaana la sheegay in ay jiraan beero kale oo leh biyo-xireeno ay suurtogal tahay in ay fatahaan haddii aanan hadda laga neefinin sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Nakuru.

Illaa 22 kun oo qof ayaa ku guryo beelay masiibadan.