Dawladda Hoose Ee Magaalada Cape Town O Xal La Yaab Leh U Keentay Dhibaatada Biyo La'aanta!

0
Sunday May 13, 2018 - 10:13:05 in by salman abdi
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Hoose Ee Magaalada Cape Town O Xal La Yaab Leh U Keentay Dhibaatada Biyo La'aanta!

    Markii maamulka magaalada Cape Town ay ku dhawaaqeen in ay biyaha ka dhammaanayaan waxaa magaaladan kusoo jeedsaday indhaha adduunka oo dhan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii maamulka magaalada Cape Town ay ku dhawaaqeen in ay biyaha ka dhammaanayaan waxaa magaaladan kusoo jeedsaday indhaha adduunka oo dhan.


Waxay noqotay tii ugu horeysay oo magaalooyinka adduunka ka mid ah oo ay biyaha ka go’aan, waxayna arrintan kusoo beegantay xilli adduunka oo dhan walwal laga qabo isbadalka cimilada.

Balse naaquude caan ah oo maraakiibta wada oo lagu magacaabo Nick Sloane ayaa sheegay in uu xal u hayo biyo la’aanta Cape Town, wuxuuna soo jeediyay fikrad dad badan ka maqnayd.

Wuxuu sheegay in ay suurtogal tahay in badweynta laga soo jiido buur baraf ah, isaga oo yiri "Markasta waxaa jira kummanaan buurood oo baraf ah oo kasoo go’ay badda aadka u qaboow, kuwaas oo heebaabaya, waana suurtogal”.

Dad safaf ugu jira biyaha Cape TownLahaanshaha sawirkaAFPImage captionDad safaf ugu jira biyaha Cape Town

Waxa uu sheegay in buurta barafka ah qaboowgeeda lagu sii hayn karin, kadibna loosoo gooshin karo Cape Town si loo dhalaaliyo barafka, biyahana looga isticmaalo.

Hal buur oo baraf ah ayay biyaheeda ku filanyihiin dadka Cape Town muddo sanad ah.

Balse ku xigeenka duqa magaalada Cape Town Ian Neilson ayaa wali u baahan in lagu qanciyo fikradan, maadaamaa in gooshinka buurta barafka ah kumanaan kiilo mitir aysan ahayn hawl sahlan, islamarkaasna qarash yar ku kacaysa.

Dowladda Hoose ee magaalada ayaa dhankeeda wada qorshayaal u gaar ah sida in biyaha badda cusbada laga saaro, iyo ceelal la qodo

Hal buur baraf ah oo cabirkeedu dhanyahay 500m oo isku wareeg ah ayaa xal u noqon karta dhibaatada biyaha ee Cape TownLahaanshaha sawirkaREUTERSImage captionHal buur baraf ah oo cabirkeedu dhanyahay 500m oo isku wareeg ah ayaa xal u noqon karta dhibaatada biyaha ee Cape Town

Qorshayaasha waxaa ka mid ah in biyo laga soo jiido wabiga Congo oo 2,500 mile u jira magaalada Cape Town, fikaradan oo ahayd mid xilli hore laga fikiray.

Qoondada Biyaha

Dadka magaalada waxaa maalin kasta loo qoondeeyay in ay isticmaalaan 50 liitar oo biyo ah maalin kasta qoys kasta.

Waxa kale oo la meelmariyay tallaabooyin kale sida qubeys 90 ilmiriqsi ah iyo musqulaha oo aanan la biyo raacinin, baabuurta aanan la dhajin. dadkuna tan waa ay la qabsadeen.

"Isticmaalka biyaha waxa ay hoos u dhaceen boqolkiiba 50% ” ayuu yiri Neil oo ah ku xigeenka duqa magaalada.

Dadka qaarkood ayaa lacag ka sameeyay biyaha kadib markii ay qoteen ceelal, biyaha kasii iibiyeen dadka, iyada oo xitaa uu jiro adeeg qadka internetka ah oo biyaha lagu suuq geeyo.

Maamulka magaalada waxa ay sheegeen in dadka fuqarada ah ee ku nool xaafadaha isku raranta ah aysan ahayn kuwa isticmaala biyo badan, kaliyana ay isticmaalaan boqolkiiba 4% biyaha magaalada, halka dadka ladan ay isticmaalaan biyaha intooda badan.

Dhibaatada biyaha waxa kale oo ay yeelatay saamayn kale oo ah, in dalxiisayaashii tirada badnaa ee Cape Town iman jiray ay ka baaqsadaan cabsi ay ka qabaan biyo la’aanta.

Illaa 300,000 kun oo qof ayaa ku tiirsan dhaqaalaha dalxiiska Cape Town kasoo xarooda.

Dalxiiskii Cape Town ayaa hoos u dhacayLahaanshaha sawirkaAFPImage captionDalxiiskii Cape Town ayaa hoos u dhacay

Dowladda Hoose ee magaalada Cape Town ayaa hadda ka shaqaynaysa sidii loo dajin lahaa shuruuc cusub oo hubanti looga dhigayo in mustaqbalka biyogalinta magaalada ay noqoto mid isticmaalka biyaha uu yahay mid wanaagsan.