War Deg Deg Ah Dagaal Hada Ka Qarxay Deegaanka Tukaraq,Iyo Ciidamada Maamulka Puntland Oo Dagaal Gaadmo Ah Kusoo Qaaday Ciidanka Somaliland.

0
Tuesday May 15, 2018 - 11:10:35 in by salman abdi
  • Visits: 492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Dagaal Hada Ka Qarxay Deegaanka Tukaraq,Iyo Ciidamada Maamulka Puntland Oo Dagaal Gaadmo Ah Kusoo Qaaday Ciidanka Somaliland.

    War Deg Deg Ah Dagaal Hada Ka Qarxay Deegaanka Tukaraq,Iyo Ciidamada Maamulka Puntland Oo Dagaal Gaadmo Ah Kusoo Qaaday Ciidanka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah Dagaal Hada Ka Qarxay Deegaanka Tukaraq,Iyo Ciidamada Maamulka Puntland Oo Dagaal Gaadmo Ah Kusoo Qaaday Ciidanka Somaliland.

Dagaal culus ayaa ka dhacay magaalada tukoraq, oo hubka culus iyo rasaas kaleba la isku waydaarsanayo. wuxuu dagaalku ka dhacayaa qaybo ka mid ah dhufaysyada Ciidanka Qaranka somaliland ku leedahay duleedka tukoraq.

Xalay saqdii dhexe, ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in ay duqayn xoog leh iyo dagaalaba ka dhacayeen degaanada nugaasha waxayna puntland ciidamo keentay degaano aysan horey u qorshaysan somaliland oo ay kamid tahay koonfurta gobolka sool

Weerar Ciidamada Puntland Ayaa Ahaa Mid Fulaynimo Ah,Isla Markaana Ay Ku Soo Beegeen Xuska 18ka May,Balse Waxay Kala Kulmeen Jab Xoogan Kadib Markii Ciidanka Qaranka Somaliland Ku Dhufteen Dhirbaaxo Kulul,


 

 

Ciidanka Qaranka Somaliland Wuxuu Gubay Gawaadhi Halka Ay Qaar Kalana Furteen,Dagaalkan Oo Ahaa Mid Faraha Lagaga Gubtay,Ilaayo Hada Lama Hayo Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca Ee Ciidamada Iskaga Hor Yimi Duleedka Deegaanka TUKARAQ,Balse Warar Hoose Oo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya Inay Jiraan Gurmad Xoogan Oo Labada Dhinaca Kaas Oo Layskugu Hub Urursanaayo

Dagaaladan, ayaa ka socda sadex aag waxaana si weyn looga dareemayaa gudaha magaalada laascaanood waxaana la arkayaa gawaadhi Gaashaaman Ee Ciidanka somaliland oo marba Marka Ka Danbaysa Sii Xoogaysanaaya Waxaanu Dagaalkani u muuqdaa bilowga dagaal dhab ah oo ciidamada puntland ku doonayaan inay ku soo ceshadaan degaanada gobolka sool