Muqdisho: Farmaajo oo ka hadlay Dagaalka Tukeraq ku dhex maraya Somaliland iyo maamulka puntland
dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
"Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan," ayuu ku yiri madaxweynaha qoraalkiisa.Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa madaxda, odayaasha dhaqanka, culumaa'diinka, ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.
"Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la'aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wada hadalka," ayuu raaciyay madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.
Waxa uu madaxweynuhu tacsi u diray ehellada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo.
Sources: VOA Somali.
Muqdisho: Farmaajo oo ka hadlay Dagaalka Tukeraq ku dhex maraya Somaliland iyo maamulka puntland
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ka walaac sanyahay