Caalamka:-Dadka ku barakacay colaadaha ka jira qeyba ka mid ah Afrika oo sanad gudihii laba laabmay.

0
Wednesday May 16, 2018 - 09:10:07 in by salman abdi
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Dadka ku barakacay colaadaha ka jira qeyba ka mid ah Afrika oo sanad gudihii laba laabmay.

    Caalamka:-Dadka ku barakacay colaadaha ka jira qeyba ka mid ah Afrika oo sanad gudihii laba laabmay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Dadka ku barakacay colaadaha ka jira qeyba ka mid ah Afrika oo sanad gudihii laba laabmay.

Warbixin cusub ayaa sheegaysa in tirada dadka ku barakacay colaadaha ka jira meela ka mid ah qaaradda Afrika ay laba laabmatay sanad gudihii.

Hay'adda qaxootiga ee Norway iyo midda kale ee la socota dadka ku barakaca gudaha dalalkooda ayaa waxa ay oogaadeen in ku dhawaad saddex milyan oo qof ay 2017-kii ku barakaceen gudaha dalalkooda, taas oo tirada dadka ku barakacay qaaradda Afrika ka dhigaysa ku dhawaad lix milyan oo qof.

Warbixintu waxa ay sheegaysaa in ku dhawaad shan iyo toban kun oo qof ay maalintii ku barakacaan gudaha Afrika colaad awadeed.

Ku dhawaad kala bar dadka ku barakacay caalamka ayaa waxa ay ku nool yihiin gudaha Afrika, sidaas oo ay tahayna qaaradda waxaa ku nool boqolkiiba afar iyo toban oo kaliya guud ahaan dadweynaha caalamka.

Dalka ugu daran ee uu ka jiro dhibaatada barakaca ayaa ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo halkaas oo sanad gudahii ay qalalaasaha guryahooda uga carareen in ka badan laba milyan oo qof kuwaas oo u qaxay qeybaha kale ee dalka.

Wadammada kale ee ay dhibaatadan sida weyn u saameysay waxaa ka mid ah dalalka South Sudan, Itoobiya, Nigeria, Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Qaar badan oo ka mid ah dadka gudaha dalalkooda ku barakacay ayaa waxaa martigeliya dadka kale ee ku nool qeybaha ammaanka ah ee dalalkaasi, haddana intooda badan waxa ay ku nool yihiin guryo cooshado ka sameysan, masaajid, kaniisado iyo weliba meesha ay is oran karaan waad ku noolaan karaan.

Qaar badan ayaa guryo ka sameysta meelaha ammaankoodu uu aadka u liito, taas oo ku sii adkaynaysaba inay helaan waxyaabaha nolosha asaasiga u ah sida cunnada, biyaha iyo daawada.